Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha PL Axmed C/dalla (Tigaana) ayaa daboolka ka qaaday in xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii tababarad qaybtood loogu qaban lahaa deegaanada Puntland, maadaamaa ay duruufaha oo dhan saamaxayaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Axmed C/dalla Tigaana oo bilihii danbe ku sugnaa magaalada London ayaa tilmaamay inay qayb ka yihiin tababarka ururka kubadda cagta ee Fifa dhawaan markii ugu horaysay oo ka bilaabaya magaalada Muqdisho.
Axmed C/dalle, sidoo kale waxaa uu carabaabay in horay musuqmaasuq dhanka tababaradaa uu jiray balse markan ay ku dadaalayaan inay tababaradaasi ka faa’iidaystaan dhalinta reer Puntland si siman oo aysan eex ku jirin.
Tigaana, ayaa tilmaamay in dhawr mar xiriirka kubadda cagta ay kala hadleen in kaalin muuqata Puntland ay ka hesho Soomaaliya, maadaamaa xiriirro ay ka jiraan, tartamana inta badan lagu qabto, kuwaasoo uu sheegay inay isku afgarteen uuna rajaynayo inay mira dhalaan.
Agaasimuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dadaalka ay kaga jiraan dhanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ka sakow, qurbaha ay ka wadaan wacyi galinno iyo baraarujin ku aaddan sidii loo hormarin lahaa hannaanka ciyaaraha Puntland.
Agaasimaha cusub ayaa carabka ku dhuftay in uu ku dadaalayo hormarinta ciyaaraha, isagoo xooggana saari doona hormarinta da’ yarta iyo ciyaaraha dalka, kuwaasoo hormarkoodu uu liitay wixii ka horeeyay agaasimaha cusub.
Puntland ayaa ka mida meelaha uu ka jiro hannaan wanaagsan oo dhanka ciyaaraha, waxaana sanadkii 2010-kii Puntland ay marti galisay ciyaarihii gobolada Soomaaliya oo markii ugu horaysay Puntland lagu qabtay ka dib dhawr iyo labaatan sano.
Puntlandpost.com
E-mail: puntlandpost.pp@gmail.com
E-mail: webmaster@puntlandpost.com