Garowe: (pp)- Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal ayaa Maanta Saxaafada ku shaaciyay Jiritaanka Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal oo Magaciisa Marka lasoo gaabiyo loo yaqaan NUGMA . Xaflada loo qabtey Daahfurka iyo shaacinta Ururkaani maanta waxaa ka Qeyb -galay masululyiinta ka socday Dhaqaatiir iyo Wax garadkale.
Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Gobolka Nugaal ee NUGMA Dr Cartan Baaf ayaa sheegay in waxyaalaha ugu muhiimsan ee ururkani loo yagleelay ay tahay ka war qabka iyo kaalmaynta Caafimaadka Gobolka isagoo sheegay in dadka ay talooyin wacan ka siin doo aan arimaha Caafimaadka korna ay u qaadi doonaan Heerka Caafimaad ee Gobolka Hadii wada shaqayn dhab ah ay ka helaan Shacabka gobolka.
Drs xabiibo Nuux Ismaaciil oo Dhaqaatiirta Puntland ugu Caansan Xaga Daweynta Dumarka kana howl gasha cisbitaalka guud ee Garowe ayaa xustey in midowga Dhakhaatirtaani ay tahay in guud ahaaba la mideeyo Aqoonta kartida dhakhaatiirta Gobolka Nugaal isla markaasna Looga hortago Hadii Gobolka wax ka dhacaan .
Wasiirka caafimaadka puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo ka hadlay xaflada lagu daah Furayay ururkaani dhakhaatiirta Nugaal ayaa sheegay in ka wasaarad Ahaan ay aqoonsan yihiin ururkaani lagu dhawaaqey iyo Aqoonta u leeyihiin arrimaha caafimaadka,wuxuu intaasi ku darey in ay jiraan dad wasaarada yimaada Iyagoo u Cabanaya dad dhintey kuwa Curyaamay iyo cabasho xirfad xumo iyo Aqoon daro ay ku timid , wuxuuna Wasiirku sheegay in Ururka Takhaatiirta uu meesha Ka saarayo dhibaatooyin badan iyo aqoon darada ka jirta dalka.
Ururkan ay ku midoobeen dhakhaatiirta Gobolka Nugaal ayaa noqonaya Ururkii ugu horeeyay looga dhawaaqo Nugaal, waxaana la filayaa in uu is badal ku keeno Baahiyaha caafimaadka iyo xirfado xumada inta badan ka Jirta Gobolka.
C/xamiid Salaad Barre
Puntlandpost.com
E-mail: puntlandpost.pp@gmail.com
E-mail: webmaster@puntlandpost.com