Garowe: (pp)- kulan balaadhan oo ay isugu yimadeen mid ka mida beelaha degta Buuhoodle ayaa maanta lagu soo xulay xubinta uga mid noqoneysa baarlamaanka Puntland islamarkaana waxay beeeshu sheegtay in ay u doorteen xubintii horey ugu jirta baarlamaanka Puntland oo ahayd Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye .

Caaqil Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in ay u doorteen Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Kursiga Beeshu ku leedahay Baarlamanka Puntland , islamarkaana ka dib kulamo iyo wada tashiyo buuxa oo beeshu yaalatey si rasmiya la isugu waafaqey soo noqoshada xubinta baarlamanka ka mid noqoneysa.
Soo laabashada Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland laga soo xulayo Xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamanka Dowlada Puntland sanadka 2014 ilaa 2019 .