Carmo: (pp)- Waxaa Maanta Dagmada Carmo ka dhacdey Xaflad-heersare ah, Taasoo aheyd mid Qalab-Caafimaad oo Casri looguna deeqey Bilcil Hospital Carmo. Ugu horeyn waxaa halkaas si-weyn loogu soo dhoweeyay Wafdigii Madasha yimid, uguna horeeyay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Mudane Galan, Dr Salaax Bilcil, Iyo Wafdi aad u heer-sareeya.
Ugu horeyn waxaa madasha ka hadley Madaxdii ka socdey World Medical Reliefe Iyo USA, Waxana ey amaaneen Dadka Reer Carmo Iyo Puntland oo ey kala kulmeen soo dhoweyn, Sidoo kale Madaxdii Qalabkan keentey ayaa sheegey iney ku farxeen dhismaha Hospitalka Iyo Sida loogu diyaar-garoobey ka shaqeyntiisa, Waxana ey ku dareen hadalada iney sii wadi doonaan Taageerada ey la daba joogaan Hospitalkan Iyo kuwa kale.
Mudane Abdisamad Galan, ahna Guddoomiyaha Gobolka Bari, ayaa Amaan Iyo Bogaadin U jeedshey Madaxda Hayada World Reliefe Medical Iyo Dowlada U.S.A, isagoo ku amaaney sida ey ugu hibeeyeen Qalabkan Casriga Hospitalka Carmo, Mudane Galan ayaa hadaladiisa laga dheehanayay Mahad-naq Iyo dhiirgalin isagoo amaaney Bulshada Carmo Iyo Reer Puntland sida ey uuga goan tahay iney Dalkooda wax u qabtaan.
Ugu danbeyn Mudane Galan ayaa ka codsadey Beesha Caalamka in Puntland laga taageero Arrimaha Bulshada, Caafimaadka Waxbarashada Biyaha Amniga. Dr Salaax Bilcil, ayaa isna goobta ka hadley, waxana Dr Saalax uu ahaa Maskaxdii ka danbeysay Hirgalinta Bilcil Hospital.
Dr Saalax, oo caan ka ah Soomaaliya aadna looga bartey Daaweynta Xanuunada Lafaha ayaa u mahad-naqey Hayadii deeqdan keentey isagoo tilmaamey in Qalabkan uu waxbadan ka anfici doono Bulshada Soomaaliyeed maadama Xarumaha Caafimaadka eysan ahayn goobo Ummada Soomaaliyeed ey kala lee dahay. Dr Saalax ayaa ugu danbeyn bulshada ugu baaqey iney ka qeyb-qaataan Taabagalinta Hospitalka Iyo sidii Hospital u noqon lahaa mid Ummada Soomaaliyeed ey ku faanto. Waxaa Madasha ka hadley Madax Iyo Isimo aan lasoo koobi karin.
Puntlandpost.com