Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kampala: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyada iyo ardayda Soomaaliyeed (Sawiro)

$
0
0

Kampala_ (pp)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyada iyo ardayda Soomaaliyeed , Waxaana halkaasi ka hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda, Iyadoo ugu horayn lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Midowga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Uganda Axmed Yaasiin Muuse (Farajeesto) Wuxuuna warbixin kasiiyey waftiga xaaladaha ay ku sugan yihiin ardayda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay inay wadankan wax ka bartaan arday kor u dhaafaysa 4800 oo arday.

DSC06326Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ururka Midowga ardayda Soomaaliyeed ee Uganda iyo Safaarada   inay gacan ka geystaan sidii dalkan ay Dawlada Soomaaliyeed uga heli lahayd deeqo waxbarasho maadama ay jiraan arday Soomaaliyeed  oo aan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha jaamacada.

DSC06200Waftiga Gudoomiyaha oo ay weheliyeen Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo xubno katirsan baarlamaanka ayaa waxay ka jawaabeen Su’aalo ay waydiiyeen ardayda Soomaaliyeed, Mar ay ardaydu wax ka waydiisay halka uu ku dambeeyey aqalkii odaayasha ee ku qornaa dastuurka ayuu sheegay in qodobkaasi lalaay illaa ay kasoo dhamays tirmaayaan Dawlada Gobaledyadu.

DSC06298Sidoo kale waxaa su’aal laga waydiiyey arimihii Deeqda waxbarasho ee ay Dawlada Soomaaliya ka hor istaagtay ardayda wax ka barata degaanada Puntland iyo Khilaafka soo wajahay Puntland iyo Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya , Waxaana su’aashaasi ka jawaabay Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabadala Cawad isagoo sheegay in arimahan ay soo bilaabatay xiligii Dawladii Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayna iminka ku hawlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa wuxuuna balan qaaday in ardayda reer Puntland ay heli doonaan deeqdii waxbarasho ee ay xaqa u lahaayeen wuxuuna meesha ka saaray inaysan marnaba ardaydu waayi doonin tiradii ay lahaayeen inayba uga badato maahane.

DSC06305Madaxda Baarlamaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in si wanaagsan uu ku dhamaan doono khilaafka ka dhex aloosan Puntland iyo Dawlada dhexe Sida ay sheegtay Gudoomiyaha Gudiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya Marwo Maryan Cariif oo sheegtay inay ka xaali doonaan waxa ay Puntland tabanayso.

DSC06273Kulankan ayaa kusoo idlaaday jawi qurux badan iyadoo gudoomiyuhu ardayda u balan qaaday in ay layeelan doonaan kulamo joogta ah maadama la mataaneeyey baarlamaanka Uganda iyo kan Soomaaliya ayna wadankan si joogto ah u imaan doonaan xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliyeed.

DSC06204 DSC06215 DSC06232 DSC06319

Xafiiska Warfaafinta ee Ururka SSU

Daabacaadda: Puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>