Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta barqadii u dhoofay dalka Ethiopia , gaar ahaan Caasimada addis Ababa wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Jubbaland State Axmed maxamed Islaan (Madoobe).
Wafdiga uu Madaxweynaha hogaaminayey ayaa waxaa ka mid ahRaiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Prof. Gaadi, iyagoo halkaas shir laba geesood ah kula furaya DF ee Soomaaliya Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya.
Lataliyaha M/kuxigeenka Jubbaland State C/naasir Guure ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey safarka masuuliyiinta Jubbaland State , wuxuuna tibaaxay in shirkaas la rajaynayo inay ka soo baxaan Natiijooyin wanaagsan.
Madaxweynaha Jubbaland State iyo Wafdigiisa ayaa la filayey in maalinkii shalay ay u dhoofaan Addis Ababa, waxaase safarkaas ka baaqsaday Madaxweyne Axmed Islaan ,kaddib markii diyaarad aysan la socon Wafdigiisa ay ugu timi garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddibna uu isaga baaqsaday Safarkii shalay.
Shirkan ka furmaya Addis Ababa ayaa socon doona sidda la sheegay illaa 2 Casho, waxaana la saadaalinayaa in ay ka soo baxaan Isfahan labada dhinac ah.
Madaxweynaha Jubbaland State iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Addis Ababa uga horeeya Wafdi kale oo ay ka mid yihiin M/kuxigeenka Jubbaland State Gen. Farataag iyo xubno kale.
DF ee Soomaaliya oo ku fashilantay arrimaha siyaasada Jubbaland State ayaa hadda la sheegayaa in ay siyaasadooda wax weyn ka bedelayaan ayna doonayaan in si wanaagsan ulla muqaashaan maamulka Jubbaland State oo shacabka Jubbaland State ay 100% ay taageerayaan.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State