Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Garowe: Rugta Ganacsiga iyo warshadaha PL oo maanta soo bandhigtay Fursadaha Maalgashi ee pl ka jira (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp) -Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo warshadaha PL oo maanta kulan ay soo qabanqaabisay ku qabatay Magaalada Garowe ayaa soo bandhigtay Fursadaha Maalgashi ee PL ka jira iyo macluumaad ku saabsan maalgashiyo ay ganacsatadu hore u sameeyeen oo aan qasaare ka imaan.

 

Rugta ganacsiga Puntland oo soo bandhigtay Fursadaha Ganacsi ee ka jira Puntland

Rugta ganacsiga Puntland oo soo bandhigtay Fursadaha Ganacsi ee ka jira Puntland

Mas’uuliyiinta rugta Ganacsigu waxey macluumaadkan ku soo bandhigeen laba Buug oo midna ka hadlayo fursadaha maalgashi ee PL ka jira iyo kuwa banaan,  kuwaas oo ay ka faa’ideysankaraan muwaadiniinta iyo Ajaaniintuba iyo Buug kaloo ku saabsan Diiwaanka Ganacsiga PL kaas  oo laga heli karo adeegyada ganacsi iyo wax soosaarka PL.

sawirka 1Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha PL,  Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay kulankii buugaagtan lagu soo bandhigay oo ay joogeen masuuliyiin ka tirsan dowlada PL oo uu ka mid ahaa wasiirka ganacsiga pl,Ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa sheegay in buugaagtani ay pl dhexdhigayaan Khariiradda Maalgashiga,  islamarkaana ay tilmaamo ka bixinayaan fursadaha maalgashi ee ay heysato PL  iyo xog guud oo ku saabsan dadka iyo mandiqadda pl.

hhhhhhhhhWasiiirka Ganacsiga iyo warshadaha PL Cali Axmad Gamuute oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada PL  iyo maalgashatada caalamiga iney maalgashi ku sameeyaan fursado badan oo PL ka jira kuwaas oo ay kamid yihiin,warshadeynta kaluunka,Beeraha,korontada iyo gaarsiinta iyo kuwa kaloo badan.

labaadSoo saarka Buugaagtan waxa ka qeyb qaatay Hey’ad Mareykanka ah o gar-gaarka qaabilsan  oo lagu magacaabo USAID iyo Hey’ad kaloo ay soo marsiiiso dhaqaalaha ay PL ugu deeqdo oo loosoo gaabiyo DAI.ttttt

C/xamiid Salaad Barre

Puntlandpost, Garoowe,PL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>