Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Qaahira: Hogaamiyii Akhwaanu Muslmimiin ee dalka Masar oo Xabsiga loo taxaabay

$
0
0

Qaahira: (pp)- Hogaamiyihii Akhwaanu muslimiinka dalka  Masar Maxamed Badiic,  ayaa xabsiga loo tabaaxay , kaddib markii Ciidamada ammaanka dalka Masar ay oo baadi-goob ugu jiray ay ka war heleen  goobta uu kaga sugan yahay magaalada Qaahira.

Maxamed_BadiicMasuulkan ayaa ciidamada Ammaanka dalka Masar ay baadi-goobayeen illaa asbuucii la soo dhaafay, kaddib markii uu ku baaqay in laga hortago awooda khariban ee Meleteriga dalka Masar.

Hogaamiyahan ayaa ahaa nin aad uga soo horjeeday Siyaasada Meleteriga ee inqilaabay hogaanka dalka Masar, wuuxuuna ahaa taageerayaasha ugu muhiimsan hogaamiyaha la in qilaabay (Mursi).

Wararka Caalamka ayaa qiraya in Maxamed Badiici , Wiil u dhalay lagu dilay mudaaharaadyadii ugu danbeeyey ee looga soo horjeeday meleteriga dalka Masar , waxaana la xaqiijiyey inuu ku jiray tiro badan oo Jimcihii la soo dhaafay lagu laayey magaalada Qaahira.

Qabashadan, masuulkan ayaa la saadaalinayaa in ay cirka kusii dhajinayo dhibaatada ka taagan dalka Masar.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles