Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Pakistaan: Gen. Musharaf oo lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey dilkii Banazir Bahuto.

$
0
0

Pakistaan: (pp)- Generaal Musharaf oo dalka Pakistaan soo xakumayey intii u dhaxaysay 1999-2008-dii kaddib markii uu inqilaab ku qabsaday ayaa Waqtigan lagu eedaynayaa inuu ka danbeeyey dilkii Banazir Bahuto.

Gen -MusharafMusharaf oo looga yeeray Maxkamad,  ayaa iska fogeeyey eedaynta loo soo jeedeeyey , isla markaana iska difaacay. Kiiska loo haysto Musharaf ayaa dacwada qaybteedii labaad loo durjiyey 27-ka Agoosto.

Xaakimka Gen. Musharaf ayaa sheegtay in Eedaynta Musharaf ay tahay mid siyaasadaysan  oo la soo dhoodhoobay, isla markaana aan loo hayn wax cadayn ah.

Tan iyo intii ay soo baxday eedaynta Mushataf  loo jeediyey ee ku aadan inuu lug ku leeyahay Dilkii Bahuto ayaa lagu xakumay inuusan dhaq dhaqaaq samayn karin isla markaana uusan kasoo bixi karin  gurigiisa .

Sikastaba, Benazir Bahuto ayaa la dilay sanadkii 2007-dii , iyadoo waqtigaas waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed , si ay xukunka ugu guulaysato , nasiib daro waxaa nolosheeda salfaday nin isa soo miidaamiyey.

Eedeynta Mushataf ee ku aadan inuu ka danbeeyey dilkii Bahuto ayaa la sheegayaa inuu yahay mid siyaasadaysan , isla markaana aan weli lagu hayn wax cadayn ah.

 

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>