Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

China: Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso oo u ambabaxay dalka China.

$
0
0

China: (pp)- Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda China , kadib martiqaad rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda China.

FowsiyaH.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahdi Maxamuud Cali,Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska,gaadiidka badda ,dekadaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa u qorsheysan inay la kulanto Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda China oo ay kala hadli doonto qaabkii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya .

Safarka Wasiirka  arrimaha dibada ayaa la sheegay inuu khusayso sii xoojinta  xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo China.Allaha u naxariistee  Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waxaana sida la ogsoon yahay Xiriirka China iyo Soomaaliya dib u furay madaxweyihii hore ee DF ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/llaahi yuusuf Axmed, kaddib markii uu booqasho ku tegay dalka China , isla markaana u magacaabay Safiirkii ugu horeeyey Soomaaliya  ee u fadhiya dalka China.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>