Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Hargeysa: Markabkii Puntland laga celiyey oo Somaliland-na muran ka dhexdhaliyey(Dhegeyso)

$
0
0

Hargeysa (PP) Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ee Somaliland  Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay Markab raashin deeq ah keenay dekedda Magaalada Berbera, kaasi oo Turkigu ugu deeqay  Puntland, balse Puntland ay isagaga celisay sababo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Afhayeenka Waddani, ayaa sheegay in Markabkan siday raashinka dekedda Boosaaso laga celiyey ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay dekedda Berbera, taasina ay markhaati u tahay in ilaa hadda beesha caalamku aanay kala saarin deeqaha Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah ee ay Somaliland ugu talogaleen ay Muqdisho soo marinayaan.

Afhayeenka Waddani, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Markabkaasi wuxuu yidhi “Heshiisbaa jiray dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo xukuumaddu inoo sheegtay inuu dhigayey in wixii mucaawinooyin ah ee beesha caalamku ugu talogashay Somaliland inaan haba yaraatee aan loo soo marin Soomaaliya, laakiin arintani waxay muujinaysaa inaan arintaa waxba ka jirin, oo dawladda Turkiga ama beesha caalamku wixii ay deeq ah ee ay Somaliland ugu talogashay ay u soo marinayso Soomaaliya, Markabkana waxa soo habeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya isla-markaana ay ugu talo-gashay maamul Goboleedka Puntland, khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay awgeedna Puntland u celisay, dabadeedna waxay noqotay in Somaliland lagu wareejiyo, markaa taasi waxay caddaynaysaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xiriireen sida Markabkaasi loo maamulayo ama Berbera loo keenayo, waxayna caddaynaysaa in dawladda Turkigu wixii ay Somaliland ugu talo-gashay ay soo marinayso dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasina maaha mid sharaftii iyo karaamadii Somaliland kor u qaadaysa oo heerkii loogu talo-galay gaadhsiinaysa”.

Hadaba si aad u dhegeysatid eedayntaas oo dhamaystiran halka hoose ka dhegeyso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>