Nairobi: (pp)- waxaa maanta heshiis ku saabsan iskaashiga la dagaalanka Argagixisada ku wada saxiixdey Magaalada Nairobi xubno kala matelayey Puntland iyo Somaliland ka dib kulan dhowr cisho socdey oo dhexmarey .
Heshiiska labada dhinac kala saxiixdeen waxaa dhanka Somaliland uga qeyb galey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland , Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga halka dhinaca Puntland-na ay uga qeyb galeen xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madax ka socotey Hay,addaha sirdoonka Puntland ee PIA.
Ka dib markii labada dhinac uu usoo dhamaadey kulanku waxay kulan la yeesheen madax ka kala socotey Maraykanka , British iyo Sweden, iyadoona ay ku booriyeen madaxdaasi in ay iska caawiyaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada , islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan labada maamul iskaashi ku aadan arrimahaas oo dhex mara.
Talaabadan ay wada saxiixeen labada dhinac ayaa noqon kareysa mid saameyn ku yeelata kooxaha la aaminsan yahay in ay yihiin kuwo mayal adag ee gudaha Somalia dagaalka ka wada , iyadoona horey aysan u jirin heshiis ceynkan oo kale ah oo labada dhinac u wada gaareen, balse sida la rumeynayo hadii talaabadan ay hirgasho waxay noqon kartaa mid wax ka qabata sugida amaanka iyo soo afjarida kooxahaas oo ay ugu horeyso ururka alshabab.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garowe.