Garoowe: (pp)- Wafti ka socda guddiga qiimeynta shaqada Qaramada Midoobey ee Somalia ayaa maanta soo gaarey magaalada Garowe , waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed.
Socdaalka waftiga Garowe maanta yimid waxaa sidoo kale ku wehlinayey saraakiil ka tirsan wakaaladaha kala duwan ee Qaramada Midoobey , iyadoona kulanka maanta ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland.
Waftigan ayaa horey usoo maray Magaalada Muqdisho , halkaas oo ay kula soo kulmeen Madaxda Dowlada Federaalka Somalia, sida la sheegeyna guddigan ayaa ah kuwo dabo socda koox ka horeysay oo qaabilsaneyd inay la tashiyo ka sameeyaan qaabka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobey iyo Somalia, ka dib ka bixitaankii KMG-nimada Somalia.
Kulanka maanta ku qabsoomey xarunta QM ee magaalada Garowe ayaa laga hadley qodobo ay ka mid yihiin qaabka UN-ku taageero u siin karaan DF Somalia sida dhinacyada amaanka, dib u heshiisiinta iyo hirgalinta saxdaa ee nidaamka Federaalka.
Qaabkii looga baxay KMG-nimada Somalia waxa u mateleysay Qaramada Midoobey UNPOS oo ah xafiiska siyaasada Somalia, iyadoona ay laga maarmaan tahay in laga wada hadlo qaabka ay u wada shaqeyn karaan dhinacyada Somalia.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe