Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Kismaayo: Markab Raashin ah oo ay leedahay Bisha Cas ee Turkiga ah oo kusoo xirtay Dekeda Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kisnaayo: (pp)-  Waxaa ayaa kusoo  xirtay Dekeda magaalada Kismaayo Markab ay leedahay  Bisha Cas ee Turkiga, kaas oo raashin waday.

Markab RaashinKeenitaanka raashinkaan ayaa markii hore dhaliyey su’aalo badan oo ku aadan in la celiyo iyo inkale, laakiin markii danbe la aqbalay.

Masuuliyiin maamulka u hadlay ayaa cadeeyey  in raashinkaan la keenay magaalada Kismaayo waqti ay dadku u baahnaayeen, ayna si deg deg ah ugu qaybinayaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin ka soo horjeeda arrinkaas iyo keenitaanka Raashinkaan , haddana waxaa jira dad badan oo qaba in Raashinkaan loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ayna ugu deeqday dowlada Turkiga , aana loo baahnayd in la isku xiro siyaasada iyo kaalmooyinka bani’aadanimo.

Warkaan ayaa dib loo saxay,  kaddib markii ay puntlamdpost baahisay in Markabkani yahay kii laga soo celiyey Puntland, laakiin la xaqiijiyey inuusan ahayn.

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>