Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Muqdisho: Jawaari oo mar kale beeniyey in Dastuurka wax laga bedelay (Warbixin)

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa mar kale sheegay in aysan jirin in wax laga bedelay  dastuurka Federaalka Soomaaliya , Waqti Soomaalida oo dhan ay ogtahay in sharciga Federaalka qaybo badan laga belay isla markaana loo haayo Cadaymo CAD oo qodobaysan.

 

Jawaari oo weli ka gil-gilanaya Dastuurka ay wax ka bedeleen..!

Jawaari oo weli ka gil-gilanaya Dastuurka ay wax ka bedeleen..!

Wuxuu kaloo ka dhawaajiyey Jawaari  in aan loo baahnayn in la is eedeeyo, loona baahan yahay in la isa saxo, wuxuu dhanka kale sheegay in ay wax saxeen oo kaliya , mana sheegin waxa ay saxeen.

Mar uu ka hadlaayey waxyaalaha u qabsoomay baarlamaanka ayuu sheegay in dhiseen 15 guddi oo Laamaha baarlamaanka ah, wuxuuna sheegay in dalku uu yeeshay Madaxweyne iyo raiisal wasaare iyo golle Wasiiro ah , barnaamijyadoodana la ansaxiyey.

Jawaari ayaa ku ceceliyey Oraahda ah “Waxaanu bedelnay ma jirto , ee wax baanu saxnay, waxaana loo qaatay inuu is difaacayo oo kaliya.

Dad khubaro ah oo dastuurka wax ka bedelikiisa si fiican uga warqaba, ayaa sheegay  in DF ee Soomaaliya ay arrinkan ku fashilantay ayna ku adag tahay in wax cadayno ah la yimaadaan, halka Puntland ay qodobaysay qodobada CAD ee wax laga bedelay.

“ Haday saxsan yihiin maxay shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigi waayeen  waxay bedeleen iyo Mandate ay u haystaan, kuma dhacaan arrinkaas in ay saxaafada ka sheegaan ama banaanka la yimaadaan”. Warbixintaas waxaa sidaas u dhigay masuuliyiinta wax ka og in dastuurka  wax laga bedelay.

Hadalka Jawaari ee ku aadan Dastuurka  la bedelay ayaa loo qaatay mid gilgilasho ah oo shacabka Soomaaliyeed lagu jaha wareerinaayo, kaddib markii si toos ah  isaga loogu eedeeyey inuu fududeeyey ku xadgudubka Sharciga federaalka Soomaaliya, meeshii uu dhowri lahaa inuu illaaliyo  inaan lagu xadgudbin sharciga Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda la yaqaan Guddoomiye baarlamaan waa midka ilaaliya isaga madaxweynaha dastuurka dalka u yaal oo aan marnaba ogolaan in la fabrikeeyo, waxaana hadda soo baxay in Madaxweynaha iyo Jawaari ay labada si toos ah uga danbeeyeen wax ka bedelida Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dastuurka wax ka bedelkiisa ay ku bixiyeen ($400,000) oo ay siiyeen shaqsigii bedelay oo isagu markii hore ka mid ah quburadii wax ka bedeshay sharciga Federaalka Soomaaliya, ahaana Wasiirkii Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>