Addis abaaba:(pp)- Wadahaladii u socday DF ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta Puntland State Ayaa meel fincan maraya iyadoo wadahaladaas ay qayb ka yihiin Beesha Caalamka.
Shirka bilowgiisii oo mowqifyo adag la kala taagnaa kaddib Ayaa la Isugu yimi meel wanaagsan, iyadoo waxyaalaha Dastuurku qoraysa la raacay meelo Badan.
Masuuliyinta Jubbaland State Ayaa gaashaanka u daruuray in ay kasoo horjeestaan arrimo Badan oo DF Soomaaliya ay ku doonaysay in ay ku majaxaabiyo masuuliyiinta Jubbaland ,arrimahaas oo ay ka mid yihiin in magaca laga bedelo Gobolada Israacay, waxaana Arrinkaas ka horyimi maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo Mudane Axmed Madobe.
Qodobo kooban Ayaa Haray ilaa hadda , waxaana dowlada laga ansixiyey In doorashooyinkii iyo dastuurka Jubbaland uu yahay mid Sharciga waafaqsan, waxayna ka biyo diideen maamulka Jubbalad in la farageliyo dowlada loo dhisayo Jubbaland State, waxaase Jubbaland ay ogolaatay doorka dowlada ee Dhanka dhaqaalaha sidda dakhliga ka soo xaroonaya Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda oo ay qaybtooda ku yeelanayaan.
Maamulka Jubbalad Ayaa qodobada dhiman aan wax weyn u arag, maadaama Dastuurku wuxuu xaq usiinayey ay goobta shirka ka qaateen inta ugu muhiimsan ee ku aadan aqoonsiga.
Sikastaba, Caawa Waxaa lagu jiraa Caweys iyo Casho, waxaana maalinka Beri la gudagelayaa labo qodob oo kooban oo la isku mariwaayey.
Waxaa la saadaalinayaa guul wanaagsan iyo heshiis Dhab ah oo ay labada dhinac gaarayaan. Waxaana Shirkan heshiiskiisu xoojinayaa maamulka Federaaliga ah ee Soomaaliya si guud uga carunaya, waxaana Jubbaland State noqonaysaa Maamulkii Labaad oo Federaal ah oo Soomaaliya ka hana qaado, marka laga soo tago Puntlad.
Puntlandpost, addis ababa, Ethiopia<\strong>