Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Minneapolis: 15 Sano Guuradii Aasaaska Puntland oo laga xusay Minneapolis (Video)

$
0
0

Munaasabad aad u balaaran oo loogu dabaal dagaayey 15 sano guuradii aas’aaska Puntland ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Waxaa goobtaasi soo buux dhaafiyey boqolaal isugu jira odayaal dhaqameed, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro ku xardhan calamada iyo astaamaha maamulka Puntland iyo Somaaliya.

MinneapolisWaxaa goobtaasi kahadlay marti sharaf aad u farabadan oo ay kamid yihiin wariyaha caanka, u dhaq-dhaqaaqaha arimaha bulshada mudane Abukar Cawale oo booqasho ku joogay magaalada Minneapolis. Sidoo kale xildhibaan Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, Proffesor Michael Weinstein, Liban Yare, Saida Shai, Abwaan Orshe, Abwan Carlos, qaban qaabiye Caano Geel iyo fanaaninta North America Superstars ayaa dhamaantood khudbado ka jeediyey la xiriira sanadguuraadii 15′aad ee aas’aaska Puntland.

Abdulqudus Donyale oo kamid ah hogaamiyayaasha ololaha musharaxa xisbiga dimuqraadiga Abdi Warsame oo goobtaasi kahadlay ayaa kaga warbixiyey marxaladaha kala duwan uu olalahani soo maray islamarkaana microfonka kusoo dhaweeye Musharax Abdi Warsame.

Daawo Video

Sacab iyo sawaxan ay si weyn u ruxay guud ahaan hoolka xaflada, kadib markii microfoonka lugusoo dhaweeyey musharaxa xisbiga dimuqraadiga degmada 6′aad ee Magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame. Abdi Warsame ayaa wax ka taabtay sababta uu xilkaan isugu taagay, doorashadii horay loogu guulaystay iyo waxa hadhay.

 

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>