Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Addis Ababa: Wadahadaladii Jubbaland iyo DF ee Soomaaliya oo wax la isla ogolaaday, qaarna weli lagu kala aragti duwan yahay (Warbixin)

$
0
0

Addis Ababa: (pp)-  Wadahadaladii u dhaxeeyey DF ee  Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland State ayaa soo idlaaday intiisa badan, waxaana Madaxweynaha DF ee Soomaaliya u duulay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay isa soo macsalaameyeen Madaxdii jubbaland State iyo saraakiisha dowlada dhexe ee Ethiopia .

Axmed-madobe-vs-xasan-Shekh1-225x145Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda  Jubbaland State ayaa isku afgaratay in la sii wado dadaalada siyaasadeed iyo is kaashiga labada dhinac, waxaana ugu muhiinsanaa in shirkaas lagu aqoonsado Maamulka Jubbalad State.

Waxaa ku haray Addis Ababa, Wafdi kale oo ka tirsan DF ee Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland State , kuwaas oo arrimo yar u dhiman yihiin  halkaas ku dhamastiraya inta dhiman.

Sidda xogta aanu ku helayno Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa ku qanacsanayn marwalba aqoonsiga Jubbaland State, laakiin Cadaadis ka imaanayey Beesha Caalamka  , gaar ahaan QM iyo IGAD oo aad u danaynayey in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee labnada dhinac.

Sikastaba, shirkaas oo guulo laga gaaray,  ayaa haddana shacabka Soomaaliyeed waxay isla qireen in madaxweynaha DF ee Soomaaliya uu ku fashilmay siyaasada arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbland State , maadaama u ahaa shaqsigii hortaagnaa maslaxo dad Soomaaliyeed oo uu madaxweyne u yahay, maantase dowlado shisheeye ay ku qasbeen inuu dadkiisha iyo shacabkiisa lagu qasbo inuu aqoonsado. Arrinkaas oo noqonaya fashil siyaasadeed oo horyaala marwalba Xasan Sheekh.

Dhanka kale marka laga fiiriyo , haddiiba uu madaxweynuhu aqbalay Cadaadiska lagaga keenay meelo badan,   uuna garowsay awoodiisa iyo meesha uu taagan yahay waa garasho wanaagsan oo uu ku dhaqaaqay.

Arrinta muhuumadeeda leh ayaa ah in isgarad uu ka dhacay magaalada Addis Aabba, is afgaradkaas oo keeni kara in meeshaa laga sii wado sidii shacabka Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa , dowladuna ay noqoto mid fahantay inaan Xoog iyo Jiid jiid qabiil ku dhisan aan wax lagu xalin karin.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>