Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa maanta laga fujinwaayey inuu soo magacaabo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland State , kaddib markii ay kooxdiisa ku doodeen in ay aqoonsanayaan Madaxweynaha Jubbaland State, waxaana arrinkaas ganafka ku dhuftay Masuuliyiinta Jubbaland State oo ku dooday in Dastuurka Federaalka aysan meelna ka soo geli karin madaxweynaha DF ee Soomaaliya uu soo magacaabo masuuliyiinta Deegaanada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa magacaabida uu ku doonayey inuu soo magacaabo M/kuxigeenka ayaa waxaa aad ulla yaabay siyaasiyiintii Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka , waxaana markii dastuurka la fiiriyey Duurka loo diray kooxda Madaxweynaha , Waxaana Saacid iyo Xasan Sheekh is tuseen, maadaama looga adkaaday loolanka siyaasadeed inay sii jiitaan ama qaribaan waxay kari karaan, waxaase qaska madaxweynaha & raiisal wasaarihiisa loola soo baxay Dastuurka , loona sheegay in Dastuurka uu u ogolaanayo gobolada inay soo doortaan madaxdooda.
Madaxweynaha DF iyo ragiisa ayaa la ogaaday in aysan 100% waxba ka aqoon dastuurka iyaga lagu soo doortay, kaddib markii madasha ay la yimaadeen siyaasado aan xiriir la lahayn Dastuurka dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Rag siyaasiyiin ah, ayaa Puntlanpost u sheegay in aragtida ku aadan in meesha laga saarayo Gen. Farataag uu keenay raiisal wasaare Saacid, lamana yaqaan illaa hadda aragtida siyaasadeed ee uu ka lahaa, sharciyada ay u haystaan in iyagu ay soo magacaabaan M/kuxigeenka Jubbaland State.
Waxaa la isla qiray in isu soo dhowaanshaha laabada dhinac uu qayb weyn ka ciyaariray Wasiirul dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir , isagoo meesha ka saarayey in fahan darada labada dhinac.
Waxaa kale oo door muhiim ah ka qaatay shirka Masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jubbaland State , iyagoo abuuray Jawi siyaasadeed oo qabow ayna goobta la yimaadeen erayo ay ka mid yihiin “ Waxa dastuurka noo ogol yahay ayaan wax ku doonaynaa, maya wax kale ..” sidaasna ay arrimo badan ugu guulaysteen.
Jubbaland State ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyey oo DF ka tirsan oo loo aqoonsaday Maamul federaal ah, tan iyo intii la aasay dowlada Federaalka ee Soomaaliya sanadkii 2004-ta.
Puntlandpost.com