GAROOWE: (PP)_Xuska maalinta biyaha adduunka ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Garowe, oo ay ka soo wada shaqeeyeen Hay,addaha kala ah, PSWEN, Unicef, Care, IRC, EU,Waxaana kasoo qeyb galey xubno ka tirsan shaqaalaha Dowlada Puntland, Wakiilo ka socdey Hay,addaha caalamigaa, Ururada bulshada iyo Madaxda hay,adda biyaha ee Puntland PSWEN.
Gudoomiye ku xigeenka hay,adda PSAWEN Cabdi Siciid oo furitaankii xafladan hadal kasoo jeediyey ayaa ka warbixiyey qabashada xuskan iyo ujeedooyinkii loo asaasey hay,adda PSAWEN , wuxuuna sheegey in 2001 la asaasey hay,adda , islamarkaana hirgalisey mashaariic lagu horumarinayo tamarta biyaha Puntland.
Wax-qabadkii PSAWEN iyo Baahiyaha ka jirra biyaha Puntland.Hay,adda PSWEN oo ka mid ah hay,addaha dowligaa ee ka shaqeeya Puntland ayaa goobta kusoo bandhigtey warbixin ay kaga warameyso biyaha Puntland iyo wax-qabadkii u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey, wuxuuna sheegey C/wali Jaama Cilmi oo xubin ka ah PSAWEN in sanadkii lasoo dhaafey Puntland laga hirgaliyey 16 ceel oo kuwa loo yaqaan riigaga , kuwo kalena la dayactirey .
Warbixinta hay,adda ayaa intaas ku dartey in ay jirto baahiyo xoog leh oo wali ka jirra dhanka biyaha , iyadoona ay tilmaameyso warbixintu in biyaha laga isticmaalo Puntland ay yihiin kuwo aan ku filneyn isticmaalkooda dadka iyo duunyada.
Mr C/wali Jaama waxa uu intaas ku darey soo daahida xilli roobaadyadu ay sababaan biyo la,aan ka dhacda deegaanada Puntland , midaas oo ku sifeeyey ceelasha oo qeybtood ah kuwo gaagaaban .
Warbixintu waxay intaas sii raacisey in loo baahan yahay helitaanka qalabka casriga ee biyaha lagu baaro laguna qodo , kuwaas oo aan hadda laga isticmaalin wadanka ama soo gaarin.
IOM iyo Sahankii biyaha Puntland.Xuseen Yoonis Xasan oo ah Madaxa caafimaadka Somalia ee hay,adda IOM ayaa isna goobta kusoo bandhigey warbixin dhinacyo badan taabaneysay oo ka xog warameysa sahan lagu sameeyey biyaha Puntland , wuxuuna sheegey in ay ka heleen sahankoodii najiitooyin horudhac ah oo tilmaamaya baahiyaha ka jirra biyaha iyo fayo dhowr-kooda.
Xuseen waxa uu sheegey in 93% biyaha la baarey ee Puntland ay noqdeen kuwo aan ku habooneyn isticmaal,iyadoona laga baarey biyahaas 63 nooc oo ka mid ah weelasha lagu isticmalo keydka biyaha.
Xuseen ayaa carabka ku dhuftey baaristan in ay kusoo sameeyeen Magaalada Nairobi wadanka Kenya , madaama aysan dalka oolin sheybaaro casriya oo loo adeegsado baarista biyaha, wuxuuna goobta ka sheegey in ay balan qaad u sameynayaan hay,adda PSAWEN oo ah khuburo biyaha kala shaqeysa oo sanadkan hay,addu u keeneyso.
Gabo gabadii
Xuska ku aadan maalinta biyaha adduunka ayaa xafladii maanta loogu sameeyey magaalada Garowe waxaa sidoo kale hadalo kasoo jeediyey saraakiil ka socotey hay,addaha kala ah UNICEF iyo CARE , kuwaas oo iyana ka sheekeeyey caqabadaha ka jirra biyaha deegaanada Puntland, waxayna goobta ka sameeyeen balan qaad ku saabsan ka qeyb qaadashada horumarinta biyaha.
Hay,adda PSWEN sanad walba waxay soo agaasintaa xuska xafladan oo ay uga faa,iideysato kusoo bandhigida wax-qabadkeeda iyo baahiyaha ka jirra biyaha.
Puntlandpost
Garoowe,PL-Soomaaliya