Garoowe: (pp)- Roobabkii Guga ayaa ka da,ay qeybo ka mid ah Puntland sida deegaano ka tirsan gobolka Nugaal iyo Sool, waxaana ka mid ah deegaanada ka tirsan gobolka Sool ee roobabkani ka da,een magaalada laascaanood xarunta gobolka Sool, Degmada Tuko-raq iyo deegaano kale oo dhulka miyigaa iyo tuulooyinka ah.
Cirka oo laga dareemayay maalmahan curasho , islamarkaana uu jirrey kuleyl xoogan oo dadka Somalidu ugu yeeraan kaliil roobaad , ayaa bilaabey curashadiisa, iyadoona wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ay sheegayaan in roobabkani ay ka da,ayeen ilaa maanta iyo caawa. Shakabada Puntlandpost ayaa xiriiro ay lasoo sameeyeen dadka qaar ku nool Tuulooyinka ay ka mid yihiin , Awr culus, Reemanti , Meyle, Caracaso , oo dhamaantood ka tirsan dhulka hawdkaa ee gobolka Nugaal waxay noo xaqiijiyeen in roobab lixaad leh goobahaasi ay ka da,een.
Waxayna intaas ku dareen in roobabku ku kala xoogan yihiin goobaha ay kala qabteen , kuwaas oo meelaha qaar biyo galiyey barkadihii ku yaaley, biyo dhigna ka sameeyey dhulka dooxooyinkaa ee xooluhu daaqaan, halka dhinaca kalena tuulooyinkaas qeybtood ku yar yihiin , balse la oran karro waa deegaanadii ugu horeeyey ee roobabka Gugu ka curtaan.
Curashada cirka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo deegaanada qaar maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayey abaaro iyo biyo la,aan ka jirta,inkastoo midaas aysan qeylo dhaan rasmiya ka keenin reer miyiga oo sida la tilmaamayo ku rajo weyn cuseybka cirka. Soomaaliya sida la tilmaamo waa uu ku yar yahay xilli roobaadku ,iyadoo dadka Soomaalidu labo xilli ay sugaan curashada cirka , kuwaas oo kala ah Guga iyo Deyrka, ayaa haddana mararka qaar waxaa dhacda roobabku ay noqdaan kuwo soo daaha xilligii la saadaalinayey, ayaa hadana sida muuqata wadanka aysan ka jirrin keydad biyo oo la isku haleyn karo , hadiiba ay dhacdo in la waayo xilli roobaadka la sugayey.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe