Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BAYDHABO: Xasuuq loo geystay Shacabka ku nool Magaalada Koronbood ee Gobolka Bay

$
0
0

Baydhabo: (pp)- Waxaa shalay ooTaariikhdu aheyd 31/8/2013 dagaal xoog badan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhex marey Magaalada Koronbood oo ka  tirsan Gobolka Bay waxaana dagaalkaas soo qaaday Ciidamadda Dowladda oo doonaayay in ay gacanta ku dhigan Koronbood hase yeeshe dagaal dheer ka dib Ciidamadda uma suura gelin in ay qabsadaan.

Ciidamo dagaalamayaCiidamadda Dowladda waxay magaalada Koronbood ku garaceen madaafiic iyo hub Culus taas oo keentay in magaalada badan keeda ay gubato oo Qaasaro fara badan uu ka dhasho taas oo keentay in shacabka aan waxba galabsan oo tiradoodu dhan tahay : 8 Dhimisho ah oo kala ah: 4 rag ah , 3 caruur ah iyo hal Dumar , dhaawacana shacabka u yahay 16 tan kale dadka waxay weli ku jiraan Duurka iyagoo cabsi xoog badan heysato waxaana taas ka daran wax raashiin ah iyo daawo ma heystaan.

Koronbood waxay u dhaxeeysa Baydhabo iyo Qansaxdheere waana Magaalo Taariikh dheer leh hase yeeshe Shacabka halkaas ku nool waxay ahaayeen dad masaakiin ah oo Beeraley ah oo jecel nabadda laakiin nasiib daro hadda waxaa loo geystay Xasuuq iyo Barakicin taas oo keeni karta in ay noqdan dad qaxooti ah oo guryahooda la bur buriyay.

Dowladda Soomaaliya waa in ay deg deg arrintaan baaritaan dheer ku sameeysa ciddii ka dan beeysay in Shacabka Koronbood ku nool oo madaafiic lugu garaco oo weliba loo geysto xasuuq iyo barakicin tan kale Dowladdu haddii ay rabto Al Shabaab in ay la dagaalanto way og tahay meesha ay joogan Al Shabaab ee ma aheyn in Shacab la xasuuqo oo dadka la Barakiciyo.

laga soo bilaabo burburkii Dowladnimada ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah lugu xasuuqo dalka gudihiisa haddana dadka danbigaas galay aan la keenin wax Maxkamad ah taas oo noqotay in dadka la dilo oo xoolahooda la dhaco ama la gubo tani waa arrin nasiib daro ah oo Dalka Soomaaliya heysato.

Daahir Mohamed Skeekh

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>