Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

KISMAAYO: Qaar ka mid ah Waxgaradka Digil iyo Mirifle ee Jubbaland oo taageeray heshiiskii Addis Ababa (Daawo Video)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Waxgaradka Jubbaland ee ka soo jeeda Digil iyo Mirifle oo shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in taageersan yihiin shirkii kusoo idlaaday magaalada Addis Ababa ayna heshiiska ku gaareen DF ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland State.

Ansixin_Axdi_jubbaland_1-650x487Odayaasha dhaqanka ayaa fariin u diray shaqsiaaydkii ka danbeeyey Mudaaharaadyo la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Baydhabo kaas oo looga soo horjeeday heshiiskii Addis Ababa.

Daawo Video

Odayaasha Digil iyo Mirile ee Jubbooyinka ayaa ku canaantay reer Baydhabo in aysan shuqul ku lahayn arrimaha Jubbaland,  ee ay iyagu ka shaqeeyaan horrumarka deegaanada ay ku nool yihiin. Waxay kaloo sheegeen Waxgaradku in Beelaha dega Jubbaland ay heshiiyeen ayna ku heshiiyeen inay deegaankooda dhistaan , nabadgelyana ay kula wada  noolaadaan dadka Walaalahooda ah ee ay la degan yihiin.

Sikastaba, Waxgaradka ka soo jeeda Jubbaland ee Beesha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in qof walba iyo reer Walba meesha uu degan yahay uu ka shaqeeyo nabadgelyadeeda, Laakiin Qabiil kore in isku shirqoolo  ayey ku sheegeen mid khalad ah.

Deegaanka Jubbaland State ayaa noqonaya deegaankii ugu horeeyey oo ay wada degan yihiin Qabiilo badan oo Soomaaliyeed, haddana ku heshiiyey in ay si wanaagsan ku wada noolaadaan , isla markaana samaystaan maamul ay u wada dhan yihiin.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>