Garoowe: (pp)- Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3.9.203 waxay dhagax dhigtey Xarun cusub oo laga dhisi doono cisbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Ee Garoowe.
Munaasabada Dhagax dhiga xarunta hooyada iyo dhalaanka waxaa ka qeyb galay maamulka cisbitaalka guud ee Garoowe ,Dhakhaatiir,maamulka degmada ,maamulka gobolka ,ganacsato,culumaa,udiin, hay,addo iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha cisibitaalka guud ee Garoowe Max,ed Jaamac Xirsi oo ka hadlayay dhagax dhiga qeybta umulisooyinka ayaa sheegay in xaruntaani ay dhismaheeda fulin doonto hay,adda UNFPA, sidoo kale waxaa intaasi ku darey in bulshada Garowe iyana qeybta u weyn ay ka qaadan doonaan si xaruntu u noqoto mid ay ku najaxaan hooyooyinka iyo dhalaanka yar oo baahi weyn u qaba xarunta dhalaanka iyo hooyada.
Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi Koor oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay munaasbada dhagax dhiga ayaa kalmado hadal ah ka soo jeediyay wuxuu mahad balaaran u jeediyay dhamaan inta ka qeyb qaadanaysa dhsitaanta xaruntaani oo muhiim u ah bulshada qeybaheedakala duwan gaara ahaan hooyada.
C/casiis Nuur Cilmi Koor, ayaa ganacsatada iyo bulshada Garowe wuxuu ka Codsaday in looga baahan yahay in kaalin weyn ka qaataan baahiyada jira ee dhanka arrimaha bulshada isagoo intaasi ku darey in cisbitaalka guud ay hada ka jirto biyo la,aan waxaana shirkadaha biyaha magaalada galiya uu ku booriyay inay biyaha cisbitaalka galiyaan madaama iyagu iska leeyihiin.
Duqa Garowe ayaa ka digey in cisbitaalka dhulka uu leeyahay ee loogu Tala galay inaan lagu soo dhawaan doonin madaama uu cisbitaalku Balaaranayo oo dhismooyin kala duwan la hir galin doono waxaana Intaasi ku darey in cidii ku soo durugta seeraha loogu tala galay Cisbitaalka ay dowlada hoose ee degmada Garowe ay talaabo sharci ka Qaadi doonto.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka puntland Max,ed xisri Ducaale oo dhagax dhigay qeybtaani loogu tala galay in lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhalaanka ayaa bulshada deegaanada puntland ku booriyay in ka qeyb qataan dhameystirka dhammaan xarrumaha uu ka kooban qeybta Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka.
Cisbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ayaa goobta laga dhagax dhigey waxay Ku taal dhabarka danbe ee woqooyi ee cisbitlaak guud Garowe waxaana looga gol leeyahay in lagu daryeelo Hooyada iyo dhalaanka Puntland Gaar ahaan gobolka Nugaal.
Dhagax dhiga Isbitaallan ayaa immaanaya Waqti aad looga dayrinayey Isbitaalka magaalada Garoowe qaybta dhalaanka hooyada , iyadoo dadkii booqday ay quus ka muujiyeen qaybta dhalaanka ee isbitaalka, waxaana isbitaalkan la dhagax dhigay haddii la dhammeeyo uu xal u yahay dhibaatooyinka hadda jira ee haysta qaybta dhalaanka hooyada ee Isbitaalka Magaalada Garoowe.
Garoowe oo ah Caasimada Puntland ayaa isbitaalkeedu uu aad uga liitaa marka loo fiiriyo Isbitaalada ku yaal magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, waqti ay ku sugan yihiin Caasiamda Taakhaatiir khibrad fiican leh.
C/xamiid Salaad Barre
Puntlandpost, Garoowe, PL