Marka: (pp)- Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si lama filaan ah ku tegay magaalada Marka , iyadoo safarkiisa ay ku waheliyeen Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladiisa.
Ciidamo Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ayaa galbinayey Madaxweynaha, iyagoo maray wadada dheer ee isku xirta Marka iyo Muqdisho.
Safarka Madaxweynaha ayaan horay loo shaacin , waxaana la sheegayaa in safarkiisa uu la xiriiro inuu ka qayb galayo heshiis lagu heshiisanayo Labo beelood.
Puntlandpost, Marka, Sh/hoose