Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

WAR SAXAAFADEED: Rai’sul Wasaaraha Ethiopia oo qaabilay Madaxweynaha Puntland (Sawiro)

$
0
0

Addis Ababa: (pp)- Rai’sul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Hailemariam Desalegn ayaa maanta [Sept 3,2013] ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame.

Akhri:  English Version

Madaxweynaha Puntland iyo Raiisal wasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha Puntland iyo Raiisal wasaaraha Ethiopia

Kulankani waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

20130903_164545Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka
Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).

pu2Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland Aug. 27, 2013. Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo dhaqaalaha si Mandaqaddu u hormarto.

pu33Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farole ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa Sept. 2, 2013, iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

— DHAMMAAD —


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>