Toban Sano , ayaa laga joogaa Waqtigii la bilaabay in heshiis nabadeed lala qaado maamulka dhexe ee dowlada Ethiopia, kaddib markii Indheer Garad uu ka mid yahay Maxamed Xasan Geelle, oo ahaa madaxii Ururkii dhaqdhaqaaqa nabada uu safaro is daba-joog ah ku tegay deegaanka Soomaaida, si uu ugu baraarijiyo Waxgaradka deegaanka ahmiyada ay nabadu ay bulshada u leedahay.
Daawo Video
December 2003, Jigjiga – A meeting with the… by GellesCorner
Maxamed Xasan Geelle ayaa mar uu la kulmay Oday dhaqameedka Deegaanka ayuu ka hadlay doorka Jaaliyadaha ay ku leeyihiin in nabada lagu baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Ethiopia, si dhibaatooyinka ay ka midka yihiin Jaahiliyada ,caafimaad xumida iyo Faqriga looga saari lahaa bulshada.
Waxgaradka Deegaanada Somalida Ethiopia ayaa dadaal dheer iyo wadatashi ay yeesheen kaddib , fakirka Nabada la qaatay Jaaliyadaha dibada.
Dhanka kale , Waqtigaas wixii ka danbeeyey shacabka ayaa dib uga soo kabanaya dhibaatooyinkii dagaalka ee u dhaxeeyey ONLF iyo Dowlada dhexe ee Ethiopia.
Odayaasha dhaqanka ee shirka fadhiya ayaa ka mid ahaa Oday dhaqameedkii taageeray hindisaha nabadeed ee deegaanka, si loo badbaadiyo Diinta, dhaqanka , iyo shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Puntlandpost.com