Garoowe: (pp)- Munasabad ballaaran oo lagu dhagax dhigayay wajiga koowaad ee lagu dayactirayo saldhiga booliiska Garowe ayaa lagu qabtey xarunta dhexe ee saldhiga, waxaa ka qeyb galay wasiiro,saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Maaliyada puntland Faarax Cali Shire , ahna sii haya xilalka Madaxweynaha iyo M/kuxigeenka Puntland oo labada Safar shaqo ku maqan, oo ka hadlayay dhagax dhiga ayaa sheegay in mudo labo sano ah sugayeen fulinta dayactirka howshani ballaaran saldhiga lagu hor marinayo waxaana uu intaasi ku darey Faarax Cali Shire in dib u habeyntaasi ay wixii ku baxaya ay bixinayso hay,adda UNDP.
Faarax Cali Shire, ayaa taliyaasha kula dar daarmay oo yiri ” Waxaan ka codsanayaa taliyeyaashu in ay il gaar ku hayaan hantida saldhigyada, madaama ay saldhigyadu yihiin kuwa shacabku leeyihiin looguna adeego”.
Taliyaha booliiska puntland Maxamed Saciid Jaqanaf oo isna kalmado hadal ah ka soo jeediyay munaasabada dhagax dhiga dayactirka saldhiga Garowe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la helo Shan saldhig oo bilays ah, kaasi oo qaban kara howlha shacabka loo hayo.
Dayactirka saldhiyadaani oo ka socda magaaooyinka waaweyn ee Puntland ayaa qaarkood la dhameeyey , halka qaar kalena ay ku socdaan hadda Dayar tiro ballaaran, waxaana mashruucyadan maalgelinaya hay,adda UNDP.
C/xamiid Salaad Barre
Puntlandpost, Garoowe, PL