Germanay: (pp)- Dalka Germany ayaa waxaa 13.09.2013 ka dhici doonta xaflad aad u heer saraysa oo loogu maamusayo xuska Sanadguuradii 15-aad kasoo wareegatay aasaaskii Puntland.
Xafladan oo ay qaban qaabinayso Jaaliyadda Qurba joogta Puntland ee dalka Jarmalka (Puntland Diaspora Forum Germany) ayaa waxaa ka soo qayb gelaya, wefdi ka socda dawlada Puntland, dhamaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Yurubta dhexe, Aqoonyahano, Waxgarad, Dhalinyaro, Saxaafada Soomaaalida, Fanaaniin aad loo jecel yahay iyo marti sharaf maamuus wayn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa munaasabadan si gaar ah loogu casumay Hay’ado caalami ah.
Qaban qaabiyayaasha ayaa waxaa ka mid ah, Mohamed Shibis oo wixii faahfaahin ah idin ka siin doona munaasabada, waxaadna kala xiriiri karaysaan Talleefoonka +4917684681640.
Hamoogaan wacdaraha habenkaasi qiimaha leh.
Goortu waa: Jimce 13.09.2013 6:00 – 04:30 Saac
Goobta waa: Odenwaldstr. 1-3, D-64521 Groß Gerau (degmo u dhaw Frankfurt am Main)
Fanaaniita ka soo qayb gelaysa waxay kala yihiin: Zaki Hanad, Natexo Indho, Nasteex A. Yusuf, Hodan Cumar Dhuule iyo Samiiro Naaji.
Qiimaha: 15 Euro qofkii.
Hadaba ha ka maqnaan Habeenka Puntland oo loogu dabaal degayo Curashadii Puntland oo 15 jirsatay.
Puntlandpost.com