Madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama oo Booqasho ku maraya dalalka Yurub ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay Raiisal wasaaraha dalka Sweden Fredrik Reinfeldt, iyagoo ka wada hadlay xaalada dagaal ee ka jirta dalka Syria , waxayna labada masuul wada hadalkooda culayska ku saareen wararka sheegaya in xukuumada Bashaar Al-asad ay dadka shacabka ah u adeegsatay Sunta Kiimikada ah .
Raiisal wasaaraha dalka Sweden Fredrik Reinfeldt,ayaa ku adkaystay in arrinka Sunta la xariira loo daayo Qaramada midoobay lagana warsugo inta ay soo dhamaynayaan cadaymo buuxa oo ku aadan in maamulka Bashaar Al-asad uu adeegsaday Hubka Sunta Kiimikada ah.
Madaxweyne Obama ayaa wadahadalka uu la yeeshay Raiisal wasaaraha Sweden ku adkaysnayey in loo baahan yahay in talaabo deg deg ah laga qaado maamulka Bashaar Al-asaad , waxuuna Obama sheegay inuu ku dadaalayo siddii Caalamku talaabo deg deg ah uga qaadi lahaayeen Xukuumada Syria.
Obama ayaa meesha ka saarin, inuu xushamaynayo baaritaanka QM ee la xiriira Sunta la adeegsaday, waxaana dhanka kale hadalkiisa laga dareemayey inuu doonayo in talaabo Meleteri oo deg deg ah laga qaado Syria.
Obama ayaa kulan kale la yeeshay raiisal wasaaraha dalka Denmark, isagoo kala xadlay arrimaha la xiriira siddii talaabo looga qaadi lahaa Xukuumada Syria.
Dalka Sweden ayaa lagu yaqaanaa dal aad uga soo horjeeda siyaasadaha ku aadan talaabooyinka meletetiga ee Caalamka ka dhaca, waana wadan ka soo horjeeday talaabooyinkii meletri ee lagu qaaday Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Dhanka kale , Dowlada Ruusha ayaa iyadana ku adkaysanaysa in aan laga talaabsan QM, ana sugo cadaymo sax ah oo ay keenaan khubarada QM.
Dalka Maraykanka ayaa waxaa ka socday Doodo dhaadheer oo Senet-ka dalkaasi ay uga doodayaan Talaabada ku haboon ee laga qaadayo Syria iyo habka loo marayo, waxaana siyaasada lagu weerarayo Syria Miiska soo saaray John Kery oo ah Xogyaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka,Waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in inta badan gollaha Senet-ka ay u codeeyeen inay la weeraro dalka Syria, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay aad looga doodayey talaabada laga qaadayo dalka Syria.
Madaxweynaha Maraykanka oo ka codsaday Senet-ka maraykanka in ka doodaan siddii Talaabo Meleteri looga qaadi lahaa dalka Syria , ayey Tani waxay u dududaynayaa Madaxweyne Obama in in Talaabo siyaasadeed oo la isku raacsan yahay, dagaal lagu qaado dalka Syria.
Inkasta oo Senet-ku taageerayaan Weerarka Syria, haddana waxaa la sugayaa in aqbalaada Senet-ka ala hordhigo Aqalka Congreska , kuwaas oo iyagana cod u qaadaya.
Obama inkasta oo u yahay ninka ay ka go’do Awooda Meleteriga xilliga uu hayo Jagada Madaxweynaha uuna awood u leeyahay in xattaa haddii la diido uu dagaal iclaamin karro, haddana wuxuu iksu dayayaa go’aan siyaasadeed oo lagu midaysan yahay inuu dhaxlo
Puntlandpost.com