Minnesota: Waxaa bishu markay ahayd 08/29/2013 laga helay maydka nin da’a yar oo Soomaali ah magaalada Shoreview, ee gobolka Minnesota, oo aan ka fogayn magaalada Minneapolis. Ninkan dhalinyada ee maydkiisa la helay oo aan wax waraaqo cadayma haysan “ID”, ayaa xaqiijinta ruuxa uu yahay iyo magaciisa qaadanaysa waqti dheeraad ah.
Sidoo kale, waxaa lagu dilay will 23 jir magaalada Burnsville oo ah magaalo kale oo ku dhow Minneapolis oo ah magaalada Soomalida waqooyi bari ugu badan tahay. Waxaa ka horeeyey wiil kale oo isaga lagu dilay koonfurta magaalada Minneapolis maalinti loo dabaal dagayey xornimada dalka Maraykana oo ku aadan 4ta bisha July, oo ah 3 maalin ka dib markii loo dabaal degay maalinta xornimada dalkeena ee 1da bisha July. Bil ka hor waqtigaana, ayaa waxaa la dilay nin dhalin yaro ah isaga oo jooga gurigiisa.
Hay’adaha wararka qaarkood ayaa waxay xiliga xagaaga ee sandaka 2013 ku tilmaameen “the bloody summer” taas oo ay ug danleeyihiin inta dhalin yaro ee la dilay xiligaas oo lagu dilay magaalada Minneapolis iyo agagaarkeeda.Hay’adaha qaabilsan nabadgelyadana ayaa ka war haya kooxo iska soo horjeeda iyo sida ay ku bilaabatay dhalinta Soomaaliyeed ee is dilaysa.
Maxaa keenay dhibtaan?
Run ahaantii waa masiibo in dhalinta qurbaha iyagoo ku koray meel nabad ah oo aan loogu colaadinayn qabiilkooda iyo dagaalkii sokeeye ee ku qasbay in waalidkood ka soo haajiraan wadankoodii hooyo, in ay iyagana hada ay dil iskula jeestaan. Inkasta oo uusan jirin wax ku sameeyey cilmi baaris habaysan, hadana waxaa cad in arinta ugu wayn ay tahay qoysaska Soomaaliyeed oo qurbaha oo uu ku yimid waxa loo yaqaan afka ingriiska “Culture Shock” oo sababay burburka qoysaska oo ka dhashay bay’ada ay dadku degan yihiin oo ah mid dhaqan ahaan ka duwan dhaqankeena Soomaaliyeed.
Dhaqamada cusub ee qurbo joogta Soomaaliyeed la soo gudboonaaday ayaa ah mid sabab u noqon karta burburka qoysaska iyo ilmaha ay koriyaan halka waalid ee cariga qarbiga looga yaqaan “single mother ama single father”. Arintaan oo ay dhaxal xun ku reebi karta ilmaha iyo mustaqbalkooda, hadana waalidka aysan dan iyo xaajo ka laheen oo ay mid kasta tiisa ama teeda u cadahay. Run ahaantii dadka oo dhana isku mida maha, waxaa badan kuwa ilaah badbaadiyey.
Maxaa xal ah
Inkasta oo ay jiraan ururo qaabilsan dhaqan celinta iyo kobcinta qoysaska, dhalinyarada iyo caruurta oo aad ka heli karto waxyaabo faa’iido kuu leh. Sida ay qabaan dadka ku xeel dheer arimaha qoysaska, waxay ku tilmaamaan arimaha dayaca dhaliyey mida ugu weyn in ay tahay in marka hore qoyska uu yahay mid isku duuban oo aan tafaraaruq ku jirin. Taas oo ah in Aabaha iyo Hooyadaba ay meel uga soo wada jeestaan dhismaha mustaqbalka ubadakooda. Waalidku waa in markasta uu la socdo meesha caruurtooda ay jiraan, cida ay raacaan iyo wax yaabaha ay waqtiga iskuulka iyo waqtiga firaaqada ay leeyihhin ay qabtaan . Dugsiga wax wayn ayuu ka badali karaa caruurta, waxaana hubaal ah in caruurta iyaga oo da’a yar la geeyey dugsi Quraanka ay noqon karaan kuwa ka fakada dhibta qurbaha iyo dhaqan badalka laga dhaxlo.
Mida kale, waxaa dhab ah in ay arintaan u baahan tahay in si wada jir ah looga shaqeeyo oo la fahmo arimaha keena dhalinta dhaqan gadoonka ku dhaca, iyada oo cilmi baarista lagu eegaayo waxyaabaha saldhiga u ah oo uu ugu horeeyo burburka iyo furiinka qoysaska qurbaha ku sii badanaaya. Baarintaankana waa in uu bixiyaa wacyi gelin lagu ogaysiinaayo sidii ay qoyskaska isaga ilaalin lahaayeen wax yaabaha burburka iyo furiinka keena, isla markaana natiijada ka soo baxda ay noqoto mid fahansiinkara qoysaska qurbaha sidii ay ubadkooda u ilaalin lahaayeen oo ay ugu wayn tahay: u kuurgalida cida ay ilmahooda raacaan in ay iyagu cid ahaan yihiin cid dhaqan leh oo ay ku aamini karaan ilmahood.
Waxaa soo koobaya Mohamed Barre – Junlay [Buluf] oo wax ka qora arimaha Soomaalida degan Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota – junlay99@aol.com