Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BOSASO: Puntland oo laga samaynayo warshad soo saarta gaaska la shito

$
0
0

Bosaso(PP): Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka & duurjoogta dowladda Puntland  Burhaan Cilmi Xirsi ayaa sheegay iney wadaan mashruuc lagu dhisayo  warshad samaysa gaaska la shito, taasoo sida uu tilmaamay qayb ka ah mashaariic ay doonayaan iney ku xakamayeen weerarka lagu hayo dhir jarida.  Sida u wasiirku sheegay warshadaan ayaa abaabulkeedu hadda ka socdaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Waxa uu ammaan u soo jeediyay wasiir ku xigeenku dadkii ku guuleystay  xakamaynta xaalufka isagoo ka dhawaajiyay iney socdaan tartammadii ay
gobolladu ugu jireen ciribtirka jarista dhirta iyo ka hortagga nabaad  guurka, wuxuuna intaasi raaciyay iney dhiirri gelin weyn u samayn doonaan
dadka u ololeeya ilaalinta deegaanka,wuxuuna shacabka ka codsaday iney  arrintaasi gacan ka siiyaan.

Tan & markii wasaaraddani la asaasay oo la kowsatay dowladdan iminka ka  jirta Puntland ayuu sheegay wasiir kuxigeenku iney qabatay waxyaaba badan  oo ay ka mid yihiin dhismayaal maamul oo ay ka hirgelisay wasaaraddu  magaalooyinka waaweyn iyo kuwo haatan socda,goobo lagu barbaariyo dhirta oo  ku kala yaalla Garoowe,Gaalkacyo,  Boosaaso,iyo goobo kale haatanna ay sii ballaadhinayaan,isagoo sidoo kale  xusay iney jiraan qorshayaal lagula dagaallamayo xermaysiga iyo biyaha mara  meelaha aan munaasabka ahayn taasoo buu yiri loo aayi lahaa haddii laga
faa’iideysto xilliyada jiilaalka.

Wasaaradda deegaanka & duurjoogta ee dowladda Puntland ayaa dhow goor oo hore  waxay ka dhawaajisay iney xakamayn doonto xaalufinta deegaanka iyadoo  dejisay qorshayaal lagaga gaashaamanayo arrimhaasi, balse ma ahan kuwo  sidii la rabay u hirgalay waxaana weli jira dad ku hawlan jarinta dhirta iyo  samaynta kaamamka taasoo horseedi karta nabaad guur..

C/xamiid Salaad Barre
puntlandpost.com, Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>