Garowe(PP): Waxaa maanta jaamacadda Bariga Africa xarunteeda Garowe lagu qabtay munaasibad ballaaran oo ay ku qalin jabinayaan arday kor u dhaafaysa 150, kuwaasoo jaamacadda ka bartay casharadda kala duwan ee lagu dhigo.
Munaasibada qalin jabinta oo ka dhacay hoolka wayn ee Jaamacadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, wasiiradda maaliyadda,amniga,waxbarashadda,taliyaha booliska iyo masuuliyiin kale,waxaana goobta laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo u badan dardaaran loo jeedinayay ardayda maanta shihaadooyinka qalin jabinta la gudoonsiiyay.
Ugu horayn waxaa xaflada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacadda Bariga Africa qaybteeda Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf,wuxuna ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ay Jaamacadu soo martay iyo waliba halka ay maanta taagan tahay,Shiikhu waxa uu sidoo kale sheegay xafladu inay iskugu jirto labo qaybood tan koowaad ayaa ah qalin jabinta ardayda iyo tan labaad oo ah furitaanka hoolka wayn ee ay jaamacaddu lee dahay kaasoo dhismihiisa bilihii lasoo dhaafay uu socday.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay inay alle uga mahad celinayaan sida wanaagsan ee uu ula garab galay hirgalinta aqoonta iyo dhismaha jaamacadda,wuxuna sidoo kale ardayda kula dardaarmay inay dadkooda uga faa’iideeyaan aqoonta iyo macluumaadka ay jaamacadda kala tageen. Gudoomiyaha guud ee Jaamacadda Bariga Africa Puntland Dr.Cabdirisaaq Hiirad oo ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa sheegay Jaamacadda in ay jirsatay 15-sano ayna ku han wayn yihiin in kor loosii qaado qaybaha kala duwan ee jaamacadda ay ka kooban tahay,ardayda ayuu u jeediyay inaysan marnaba joojin baadi goobka aqoonta.
Wasiiru dowlaha mamul wanaaga Puntland Maxamad Faarax Ciise Gaashaan oo ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda kuna hadlayay afka ardaydda ayaa ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay mamulka iyo macalimiinta Jaamacadda wuxuna hoosta ka xariiqay intii ay ku sugnaayeen jaamacadda inay wax badan oo aqoon ah ka kororsadeen.
Aadan Shiikh Doon oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada isgaarsiinta Golis oo goobta hadal kooban kasoo jeediyay ayaa sheegay inay ka qayb qaateen dhismaha hoolka wayn ee Jaamacadda,wuxuna sheegay inay muhiim tahayin laga qayb qaato taageerida waxbarashada dalka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi oo munaasibada ka hadlay ayaa dhiirigaliyay ardayda maantey ka qalin jabisay,wuxuna sidoo kale daah furay hoolka Jaamacadda oo qiyaas ahaan lagu sheegay inuu qaadi karo dad ka badan kun qof.
Puntlandpost.com
Garowe