Gaalkacyo: (pp)- Saddex qof ayaa lagu dilay hal qofna waa lagu dhaawacay duleedka bariga ee Gaalkacyo gaar ahaan dhul daaqsimeedka loo yaqaan BARQO-MAAL, ka dib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen barqanimadii maalinkii shalay oo sabti ahayd.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la soo gaarsiiyay cisbitaalka guud ee gobolka Mudug, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Odey Dhaqmeed ka mid ah nabadoonada Gobolka Mudug oo la hadlay idaacadaha gudaha ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay sadex qof oo dhintay iyo hal qof oo dhaawac ah dhamaantoodna ay kasoo jeedaan dadka la laayey dhinac Puntland ,halka la sheegey Maleeshiyada hubeysan ee rasaasta ku furtey dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey inay iyana kasoo jeedaan dhanka maamulka isku magacaabey Galmudug oo inta badan iyagu soo qaada weerar lagu tilmaamey kuwo ay ku doonayaan sidii ay isku dhac uga dhex abuuri lahaayeen labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Dadkan lagu laayay BARQO-MAAL ayaa wararku sheegayaan in dadka lagu laayay gaadiid dagaal.
Puntlandpost.com
Gaalkacyo.