Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jabuuti: Ra,iisal Wasaare Saacid iyo Xaaskiisa oo Casho Sharaf Jabuuti ugu Sameeyey Faroole iyo Wafti uu hogaaminayo,Sawiro

$
0
0

Jabuuti: pp)- Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon iyo Marwadiisa ayaa casho sharaf loogu magac bixiyey (Casho Family) waxay ku casumeen Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan Dowlada Puntland oo ay ka mid yihiin , Wasiirka arrimaha Guddaha Puntland, Caafimaadka iyo Kan Badda iyo kaluumaysiga iyo Dekedaha kuwaas oo ku wada Sugan dalka Jabuuti.Saacid iyo FarooleSida la sheegey Hotelka uu Jabuuti ka degan yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Waftigiisa waxa galinkii danbe ee 07 Setemper soo booqdey Ra,iisal Wasaare Saacid iyo Xaaskiisa, kuwaas oo ay wehliyeen xilligaas qaar ka mid xubnaha waftiga ee Ra,iisal wasaaraha safarka Jabuti ku marayo ku wehlinayey.

Cashada loogu magac Bixiyey Casho Family ma ahayn mid la xiriirtey ama laga wada sheekeystey intii ay socotey arrimo la xiriira Siyaasada u dhaxaysa xilligan Puntland iyo DF Somalia oo sida la ogsoon yahay ay mareyso heer Dowlada Puntland dhawaan ay sheegtey inay wada shaqeyntii kala laabatey ay la lahayd DF Somalia, Walow wararka maalmihii u danbeeyey soo baxayey ay sheegayeen inuu jiro wada hadal labada dhinac lagu doonayo sidii looga dhex bilaabi lahaa .

1Ka sokow wada sheekeysi iyo kaftan dhex marey labada dhinac intii ay ku wada sugnaayeen miiska caasumaada casho sharafta ayaa sida la sheegey Madaxweynaha Puntland uu uga mahad celiyey Ra,iisal wasaaraha iyo Xaaskiisa Casho sharafta ay u sameeyeen Waftiga Dowlada Puntland .

Puntlandpost.com

Jabuuti.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>