Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Hay,adda Manhal ayaa maanta soo gabo gabeysay mashruuc daaweyn ah oo hay,addu muddo 10 cisho ah u sameynasay dadka qaba xanuunada dhimirka (Sawiro).

$
0
0

Garoowe: (pp)- Munaasabad lagu soo gabo gabeynayey barnaamijkan ayaa maanta lagu qabtey Isbitaalka ay ku jiraan dadka dhimirka la,a ee magaalada Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin , Wasiirka Caafimaadka Puntland, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa Magaalada Garowe, Shiikh Maxamud Xaaji Yusuf , Xillibaano , Dhakhaatiirtii howsha waday,
Masuuliyiinta Ururka Nasrulaah oo gacanta ku haya dadka dhimirka la,a Iyo Marti sharaf kale .

Gudoomiyaha Ururka Nasrulah

Gudoomiyaha Ururka Nasrulah

Ugu horeyntii Xaawo Qeylo weyne oo ah Gudoomiyaha ururka Nasrulaah oo muddo dheer gacanta ku hayey Isbitaalka ay ku jiraan dadka qaba xanuunada dhimirka ayaa ka hadashey barnaamijka ay u sameeyeen dadkan hay,adda Manhal oo ay sheegtey in uu ahaa mid lacag la,aan ah oo hay,addu soo gaarsiise dadkan masaakiinta ah.

Xaawo waxay intaas ku dartey tan iyo mudadii la asaasey isbitaalka ay ku jiraan dadka dhimirka la,a in ay ku caafimaadeen tiro ka badan 150 qofood oo iyaga oo caafimaad qaba dib ugu noqdeen guryahoodii, islamarkaana loo baahan yahay dadka wali ku jirra in gacan ka helaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Hay,adda samafalka iyo Dowladaba.

Dhakhtarkii ka socdey Hay,adda Manhal ee fuliyey Barnamijka

Dhakhtarkii ka socdey Hay,adda Manhal ee fuliyey Barnamijka

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadley Dhakhtarkii fulinayey barnaamijka daaweynta ee hay,adda Manhal , isagoona sheegey in mashruucani uu yahay mid lacag la,aan ah oo hay,addu u garatey in ay deeq ahaan kusoo gaarsiiso bulshada kuwooda aan waxba qabsan karrin.

Dr Aadan ayaa intaas raaciyey in qorshaha lagu daaweynayo dadkan noocan oo kale ah uusan ahayn meelaha uu ka fulayo Garowe oo kaliya, ayna horey uga soo bilaabeen magaalada Laascaanood oo uu sheegey in ay daawo ugu soo qoreen dad tiradoodu kor u dhaafeyso 300 qofood,halka Garowe-na uu sheegey mudadii ay ku gudo jireen barnaamijkan in ay ka faa,iideysteen tiro ka
badan 380 qofood, sidoo kalena ay rajeynayaan in ay gudbaan magaalada Bosaso .

Duqa Magalada Garowe

Duqa Magalada Garowe

Duqa magaalada Garowe C/casiis Nuur Cilmi (Koor) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashey Barnaamijkan lasoo xirayey ayaa sheegey in uu uga mahad celinayo howshan dadkii wadey ee sida bilaashka u caawinayey dadka walaalahood ee xanuunsan, isagoona intaas darey in uu ka marqaati kacayo in ay yihiin dadka hor fadhiya saaka kuwii magaalada ay ku arki jireen iyaga oo dayacan balse uu haatan ka muuqato nolol ka duwan tii horey ugu jireen.

Shiikh Maxamud, Duqa Magalada, Xaaji Dalmar GuureeyeShiikh Maxamud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland ayaa isna halkaas hadal kasoo jeediyey wuxuuna kula dardaarmey bulshada qeybaheeda kala duwan iyo hay,addaha maamulka in ay u hiiliyaan gurmad siinta dadka ay ka midka yihiin kuwa dhimirka la,a .

Shiikha waxa uu carabka ku dhuftey in dadka ku jirra Isbitaalka dhimirka magaalada Garowe uu ka mid ahaa dadkii horey gacanta ugu hayey ee sida joogtadaa uga warqabi jirrey AUN Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax, isagoona sheegey in uu ka cududaaranayo in uusan marnaba booskiisii gali karin, balse uu alle ka rajeynayo in uu howshan ku garabsiiyo.

Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland Dr Cali Abdulaahi Warsame ayaa waxa uu dhankiisa sheegey in qorshaha sanadkan ee wasaarada ay ugu jirto , wax u qabashada dadka dhimirka la,a ayna jiraan barnaamijyo lagu horumarinayo xarumaha dadkan lagu xanaaneeyo kuwaas oo laga fulin doono afar gobol oo ka mid ah Puntland.

Cali Abdulaahi waxa uu intaas raaciyey in ugu baaqayo hay,addaha Dowlada, Bulshada, Ganacsatada, Jaaliyada dibadda iyo cid walba oo alle uga ag dhawaneysa deeq ay la baxdo in dadkan loo sameynayo Sanduuq taakuleyn ah oo furitaankiisa wasaaradu ka qeyb qaadan doonto , iyada oo la kaashaneysa culimada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Ugu danbeyntii waxaa munaasabada soo xirey Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sheegey in uu hadalku ku dhan yahay intii ay sheegeen masuuliyiintii ka horeysay, uuna ilaah uga baryayo mudada intii bugta caafimaad iyo sareeco
wanaagsan , islaanka ayaa ku booriyey in dadka loo baahan is taakuleyn dhexdooda ah.

Xillibaanada Joogey iyo G, Ururka Nasrulah XaawoHay,adda Manhal waxay horey Puntland uga fulisey mashaariic ku aadan qaliinka indhaha, balse howshan lagu caawinayo dadka dhimirka la,a ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo hay,addu ka qeyb qaadato.

Wasiirka Caafimaadka , Duqa Magalada,

Dadka Xarunta ku jirra ee dhimirka la,a

Dadka Xarunta ku jirra ee dhimirka la,a

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>