Garoowe: (pp) - Hay’adda UNDP ayaa labo baabuur ku wareejisay taliska ciidanka Asluubta Puntland, waxaana xaflad gawaaridan lagu wareejinayo kasoo qeyb galay Madaxa xafiiska UNDP ee Garoowe Koen Toonen iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen Cali Nuur Cumar.
Gawaaridan ayaa ahaa labo labo baabuur oo ah nooca waaweyn ee casrigaa , iyadoona loogu talo galay ciidanka Asluubta Puntland ee fulinaya mashruuca Xabsiga Qardho oo ah mashruuc lagu magacaabo mashruuca cadaalada ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey sida uu sheegey madaxa xafiiska UNDP Garowe.
Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe Koen Toonen ayaa hadalkiisa waxa uu intaas ku darey inuu ku faraxsan yahay wareejinta gawaaridan , isagoona ka shekeeyey taageerada ay u fidiyaan ciidanka Asluubta Puntland iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa UNDP iyo Hay,addaha Dowlada Puntland gaar ahaan ciidamada.
“UNDP waxay ciidamada Asluubta siisay UNIFORM iyo qalab,waxay keloo siisay tababaro asaasiya iyo kuwo gaara oo lala kaashaday ciidamada Asluubta Kenya,waxayna taageertay asaasidii xarunta dhexe ee ciidamada Asluubta ee Garoowe”
Koen ayaa sheegay taagirada ciidanka Asluubtu ay timid kulan ay madaxweynaha Puntland CabdiRaxmaan Maxamed Faroole 5,November 2012-ka ay la galeen,wuxuu kaloo xusay inay la shireen Genaraal Cali Nuur taliyaha ciidmada Asluubta Puntland 7,November 2012.
Shirarkaas ka dib UNDP waxay go’aansatay inay maalgeliso qayb ka mid ah kharashaadka Xabsiga Qardho sanadka ugu horeeya ayna ka mid tahay samafalka,qalabka daawaynta,tababarada iyo gadiidka asaasiga ah.
Taliyaha ciidanka Asluubta Gen,Cali Nuur oo isna ka hadlay madasha ayaa UNDP ku amaanay taageerada ay siiso Asluubta,wuxuuna ka mahad celiyey gawaarida maanta ay gudoonsiisay.
Labada gaari ee ay gudoomeen Taliska Asluubta ayaa midi yahay Booyad nooca biyaha,halka kan kalena uu yahay nooca wax lagu daabulo soomaaliduna ay u taqaan Iska rogo.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe