Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

DUBAI: Madaxweynaha Puntland oo lagu wargeliyey in shirka Bruxelles, Puntland ay ka mid tahay qaybaha loo xushay in ay ka hadlaan (Warbixin)

$
0
0

Dubai: (pp)-  Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo shuruud adag ku xiray shirka Bruxelles ayaa loo ogolaaday inuu ka mid noqdo masuuliyiinta ka hadlaysa shirka Bruxelles.

Faroole iyo Niel Wigan

Faroole iyo Niel Wigan

Madaxweynaha Puntland oo Casuumada shirka Bruxelles loogu geeyey Billo kahor magaalada caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa arrinkaas ka xumaaday madaxda dowlada Federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo dacwado u gudbiyey midowga Yurub ayna kaga codsanayaan in madaxweynaha Puntland uu shirkaasi uusan ka mid noqon karin masuuliyiinta Soomaaliyeed ee halkaas ka hadlaysa.Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu yimi Nairobi ka werhelay Dacwooyinka ay ka gudbiyeen Madaxda DF ee Soomaaliya, wuxuuna Madaxweyne Faroole waqtigaas wixii ka danbeeyey ku goodiyey inuusan shirkaas ka soo qayb galayn, haddii Puntland shirkaas  ay ku metalayaan dowlad ku xadgudubtay dastuurkii dalka .

Dagaalka Siyaasadeed uu galay madaxweyne Xasan Sheekh waxay keentay in Madaxweynaha Puntland uu dhoolatuskiisa siyaasadeed banaanka soo dhigo, isagoo ku andacoonaya in Puntland masiirkeeda Siyaasadeed aan lagu xadgudbi karin , waqti dowladii ay Puntland soo dhistay ay ku xadgudubtay dastuurkii Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana dowlada Jirtana ay wadanka ku celisay Dagaalo sokeeye oo dalka  dib uga bilowday, .

Sikastaba, Shirka Bruxells   ayaa madaxweynaha Puntland ,  wakiilo ka socda midowga Yurub oo kula kulmay Dubai ay  ku wargeliyeen   in Puntland ay qayb weyn ku leedahay shirka Bruxelles , Puntland ay shirkaas ajandaheeda ka sheegan doonto, maadaama DF ee Soomaaliya aysan wax awood ah iyo taageero toona ku lahayn  dowlada goboleedka Puntland.

Puntland ayaa xiriirka Diblumaasiyeed u gashay DF ee Soomaaliya , kaddib markii La bedelay qaybo ka mid ah dastuurka Federaalka Soomaaliya, isla markaana dowlada dhexe ay musuq maasuqday Deeqihii Waxbarashada ee Ardayda Puntland ay ka heli jireen sanadkan aan ku jirno, Waxaa kaloo  DF ee Soomaaliya ay is hor istaagtay maamulkii Jubbaland State,  waqtigaas wixii ka danbeeyey Puntland  waxay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay DF ee Soomaaliya.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>