Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROWE: Axmed shiikh oo booqanaya xarumaha Warbaahinta Magaalada Garowe

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Puntland Axmed Sheekh Jaamac iyo xubno wasaradiisa ka shaqeeya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa uu booqasho ku sameynayay warbaahinada ku yaala Garowe.

1Axmed sheikh Jaamac ayaa maanta 15.9.2013 wuxuu booqasho rasmi ku yimid xarunta Radio Garowe waxaana booqashada wasiirka ku wahelinayay  xubno wasaaradiida ka tirsan iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweyeen maamulka iyo shaqaalaha Radio Garowe. Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac oo kalmado hadal ah ka soo jeediyay  kulan dhex marey wasiirka iyo maamulka iyo shaqaalaha ayaa warbxin kooban ka siiyay qaabka idaacadu u shaqeyso sida barnaamijyada ay baahiyaan iyo idaacadu tahay mid bulshada u adeegta.

cawilAxmed cawil ayaa wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan wasarada oo runtii qabtey howl badan habeen iyo maalina diyaar u yihiin in wasaardda u fududeyaan arimaha horyaal gaar ahaan kuwa saxaafa iyo in wasaaradu xiriir dhow la yeelato wariyaasha  .

Wasiirka wasaaradda warfaafinta puntland Axmed Sheekh  jaamac oo kulanka isna ka hadalay ayaa sheegay in wasaaradda ay u qorsheysan tahay in booqdaan xarumaha warbaahinta  isla markaasna lays wareysto siddii  mustaqbalka loo wada shaqan lahaa  iyo warbaahinta kaalinta ay kaga jiraan wada shaqeyn dhex marta labada dhinac.

Axmed sheikh ayaa xusey in ay mareen oo kula la qaateen warbaahinta daljir kana dhageysteen qaabka u shaqeeyaan iyo musatqabalka sida loo wada shaqeyn karo wxuuna sheegay in ay tagi doonaan dhamaan warbaahinada magaalada garoe ku yaala

“‘Booqashadaani waa tii labaad oo xarumaha warbaahinada ku mareyno waxaan maanta booqanay xarunta  ’Radio Garowe,  runtii waxaa nagu soo dhaweeyay maamulka iyo shaqaalaha Radio Garoowe ,maamulka Radio Garoowe  waxay nooga warmeen waxyaalo badan oo aan wax badan aan ka wada hadalna   su,aalo badana  is weydaarsanay waana ku faraxsanahay kulankeenii iyo natiijadiisa.

Axmed ayaa sheegay in sidoo kale kulanka ku falaqeeyeen ururka saxaafiyiinta puntland ee MAP,  isla markaasna talooyin ay iska tuseen  iyo xarun lagu tababaro saxaafada taasi oo ku taala PSU iyo sida wasaaradu arintaasi wax ugu kordhin karto.

Waa markii ugu horeysay  oo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac  uu kormeer booqasho ku tago xaurumaha warbaahinta magaalada Garowe ku yaala tan iyo inta xilkaasi loo magacaabay,  waxaana tani suurta galinaysaa siddii  wada shqeyn dhab ah u dhex mari lahad Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Puntland .

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>