Hay’adda relief International ayaa maanta xarrunta laybareeriga ee magaalada Garowe waxay ku qabtey kulan baLlaaran oo ay ka soo qeyb galen Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo wariyaayaasha ka howl gala gudaha
Garoowe .
Kulanka ayaa hay,addu ku soo bandhigeysay manhaj kooban oo lagu tala galay in lagu dhaqo xarunta cusub, taasi oo lagu tababri doono Saxaafada Soomaliya oo laga hir galiyay magaalada Garowe . Axmed cawil oo ah sarkaal ka socda hay,adda Relief International oo kulanka ka hadlay ayaa warbxin kooban uu jeediyay kulankan, waxaa uu sheegay in u jeedka kulanka uu yahay sidii ay u soo bandhigi lahaayeen manhaj kooban oo lagu dhaqi doono xarunta tababarada iyo macluumaadka ee Saxaafada lagu tababri doono iyo sida ka qeyb galayaashu loogu soo badhigi lahaa manhajkaani iyo fikiro badan in leys dhaafsado .
Axmed cawil ayaa intaasi ku darey in hay,adda Relief International ay dhawaan dhameystiratey xarrunta loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta Saxaafada Soomaliya, gaar ahaan kuwa reer puntland waxaana uu xusey in xaruntaasi ay dhamaan qalabkii iyo wixii loogu tala galay ay dhameystireen.
Xoghayaha ururka suxufiyiinta puntland ee Map burhaan axmed daahir oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheeagay in kulankaani uu yahay mid suxufiyiinta iyo xubanaha wasaaradda ka qeyb galay ay ka doodi doonaan, fikradana ka dhiiban doonaan manhaj ku saabsan saxaafada.
Burhaan ayaa tilmaamey in xaruntaan saxaafada lagu tabarayo ay wax badan ka tari doonto aqoonta dhalinyaro badan oo haatan Saxaafada soo galay iyo kuwa jecel in ay bartaan Saxaafada, wxuuna intaasi raaciyay in muhiim tahay in la helo meel lagu tababaro saaxaafada si loo helo dhalinyaro u fir fircoon aqoonta wariyanimada .
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta puntland C/llaahi Maxamed Aswad, ayaa sheeagy in fursad muhiima tahay in la helo Dugsi lagu tababaro saxaafada, taasi oo hay,adda Relief ka hir galisey Garowe wuxuuuna xusey ka wasaarad ahaan ay u mahad celinayaan hay,adda kaalinta ay ka gashay in xaruntaani yagleelaan taasi oo uu rajeeyay in ya ka soo bixi doonaan dad aqoo dheer u leh Saxaafada . Kulanka ayaa socon doono labo maalmood, waxaana ka qeyb galayaashu fikrado ka dhiiban doonaan soo bandhigida Manhajka.
Hay”adda Relief International ayaa dhawaan soo dhameystirtey Machad cusub oo ay ugu tala gashay in ay ka faa,idstaan waxna ku bartaan Saxafada taasi laga hirgaliyay jaamacada P.S.U ee magaalada Garowe.
Puntlandpost.com