Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Jubbaland State oo lagu soo dhoweeyey Copenhagen (Sawiro)

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa duhuradii maanta kasoo dagay Madaarka Diyaaradaha Copenhagen ee Kastrup Airport. Albaabka lagasoo dago iyo dibada hore ee Garoonka Diyaaradaha Kastrup Airport ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee isaga kala yimid Scandinavia si ay usoo dhaweeyaan ulana kulmaan Wafddiga balaaran ee kasoo kicitimay Julaband. (Scandinavian Jubaland community) ayaa soo dhaweeyn aad u sareysa usameeyay Wafddiga Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafddiga uu hogaaminyay, waxaana daqiiqad ka dib loosoo galbiyay Hoteelka loogu talagalay in ay ku nastaan Wafdiga.
20130918Habeen danbe ayaa lagu wadaa in Wafddiga Julaband ee uu hogaaminyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay kulan balaaran la yeesheen Jaaliyada Soomaaliyeed ee Scandinavian ayagoo warbxin kasiin doona xaaladaha Jubaland ay iminka ku sugantahay, Heshiiskii Aadis Ababa, dib u heshiisiinta Jubooyinka ee wajigeeda koowaad lagusoo afjaray Magaalada Muqdisho iminkana lagu guda jiro qaban qaabada wajigii Labaad ee Kismaayo.

20130918_1Amaanka Goobta ayaa aad loo adkeeyay si loo suga amniga Madaxweynaha Jubaland. Professor Mohamed Abdi Gandhi iyo Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaan la socon Wafdiga Madaxweynaha, waxaana lagu sheegay baaqashadooda sababo laxiriira dhameystirka Shaqooyin culus oo horyaala Maamulka Jubaland.

Daawo Sawiro Kale

20130918_12 20130918_152 20130918_15

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>