Copenhagen: (PP)- Xaflad lagu soo dhaweynayay Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si heer sare ah uga dhacday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Xafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay inta Jaaliyadaha Scandenevia iyo marti sharaf kale oo Soomaaliyeed oo xafladaas lagu xasumay. Waxaa xusid mudan in Xafladani ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira madaxdii hore ee Soomaaliya, Xildhibaano iyo madax jaaliyadeed oo ka jira dalka Denmark.
Daawo Video
Xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka sooq ayb galay Wasiirkii ganacsiga dowladii hore ee Federaalka Soomaaliya , ahaana Ra’isulwasaare kuxigeenkii XukuumadiiGaas Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah xildhibaanada kasoo qeyb galay Xaflada. Axmed Xuseen Dhaqane oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Copenhagen AMT, iyo marti sharaf kale oo badan, balse aan halkaan lagusookoobi karin.
Puntlandpost.com