Degmada Dongorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal waxaa lagu qabtey xaflada lagu soo gaba gabeynayay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo mudo sanad ah Dongoroyo ka soconayey, iyadoona gabo gabadii dadkii loo dhameeyey Tafsiirka la gudoonsiiyey abaal marino.
Ha’yadda Al amru bil Macruuf Wanahyi Canil mun kar ayaa dadka degan degmada ka caawisay dhamaysashada Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah dad aad u far badan oo gaaraya boqol qof oo dhamaystay Tafsiirka .Xiritaanka waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin wax garadka degmada dhalinyaro iyo haween waxayna dadka degmadu ay sheegen in ay si aad ah ula socon jireen marsashada Tafsiirka oo xili gaara oo dadka ay u diyaar garoobaan
Gudoomiyaha hay,adda wanaag farista iyo xumaan ka reebista Sheikh Max,ed Xamari oo ka hadlay xiritaanka Tafsiirka ayaa mahad celin balaaran u jeediyay dhamaan dadkii ka qeyb galay Qur,aanka dhageysigiisa,waxaana uu ku booriyay in ay sii wadaan Akhrinta iyo Dhageysiga Qur,aanka oo ah waxa kaliya ee igu muhiinsan u dhawaanta xaga Alle .
Ha’yada wanaag farida iyo xumaan reebida ayaa ah ha’yad wada wacyi galino balaaran oo laga fulinayo Deeganada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.
Sawiro kale
Puntlandpost.com
Dongoroyo.