Hay’adda ANPPCAN ayaa magaalada Garowe ku qabatay tababar la xariira sidii dadka loogu wacyi galin lahaa ka hortaga cudurka Duumada ee ka dhasha kaneecada.iyadoona la gaaray xili roobaadkii Dayrta.
Masuuliyiin ka socota wasaaradda Caafimaadka,hay’adda UNICEF iyo madaxda hay’adda tababrka qabatay ayaa kasoo qeyb galay kulanka intii uu socday, iyadoona tababarkaan loo qabtay dhalinyaro ka kala socda deegaanada Puntland,waxana inta tababarku socdo ka qeyb galyaasha la siin doonaa daruus ku saabsan sida qoyska iyo dadka looga badali lahaa dhaqamada gaarka ah ee ka hor imaanaya isticmaalka agabyada kaa difaacaya Kaneecada si uusan u dhalan cudurka Malaariyada
Dr.Cabdikariin Xuseen Xasan oo ah madaxa waaxda Malaariyada ee wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii dadka ku nool Puntland loogu sheegi lahaa inay qaataan daawooyinka Kaneecada isla markasna xili kasta ay tageen goobaha caafimaadka .
C/kariin ayaa Dhalinyarada tababarka loo qabtay ku dhiiri galiyay inay casharada la bixinayo ay si hufan u gaarsiiyaan dadkii ay ka yimaadeen si wadajir looga hortago khatarada uu cudurkaasi xanbaarsan yahay.
Madaxa Hay’adda UNICEF qaybta Malaariyada Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay sababta tababarkaan loo qabtay inay tahay sidii shacabka loogu sheegi lahaa in laga gaashaanto cudurka Duumada oo inta badan dhasha xiliyada roobabka.
Cabdirisaaq Abshir Garweyne oo ah sii hayaha agaasimaha wasarada Caafimaadka dowlada Puntland ayaa xusey in ka wasaarad ahaan inay wadaan barnaamijyo kala duwan oo looga hortago cudurkaasi,wuxuna goobta ka cadeeyay Puntland inay ka mid ahayd goobaha inta badan ka nabad gala cudurkaasi
Tababarkaani oo socon doona muddo sadex bari ah ayaa ka qeyb galayaasha waxaa la barayaa sida looga hor tago cudurka malaaryada iyo siyaabaha laysaga ilaaliyo
Puntlandpsot Garowe