Bosaaso(pp) Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxtinimadda dowlada Puntland ee Sanadka danbe ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Bosaaso xarunta ganacsiga Puntland.
Soo dhawaynta musharax Cali Xaaji waxaa ka qayb galay masuuliyiin,dadwayne aad u faro badan oo taageersan siyaasadiisa iyo gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari,waxana marka uu kasoo dagay diyaar gaar u waday uu gacan qaaday dhamaan dadkii soo dhaweeyay.
Cali Xaaji Warsame oo saxaafadda kula hadlay madaarka Bosaaso ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay masiibadii qaran ee ku habsatay qaar ka mid ah dadka ku nool dhulka xeebta ah iyo dhulka godan,kuwaasoo mood iyo deegaan badan ku waayay duufaantii dhacday.
Wuxuu sheegay inuu tacsi u dirayo dadkii ay ehelkooda kaga dhinteen duufaanta,wuxuna sheegay inay Puntland soo food saartay daruuf adag oo u baahan in gacmaha la isku qabsado,
Inta uu ku guda jiray Mudane Xaaji Warsame safarkiisa dibada waxa uu kulamo kala duwan la qaatay saraakiil caalamiya iyo jaaliyadaha Puntland ee dalalka Kenya,Suudaan iyo Sambia,wuxuna kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda Puntland iyo doorashada soo aadan.
Cali Xaaji Warsame ayaa Nayroobi kaga dhawaaqay inuu hakiyay olalihiisa doorashada maadama ay dhacday duufaan dad badan saamaysay,safarkiisa Bosaaso ayaana lagu sheegay inay qayb ka tahay sidii uu dadkiisa ula wadaagi lahaa masiibadda xag alle kaga timi.