Gaalkacyo(pp) Duqa Degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Sallaad oo gurmad ka yimi Gobalka Mudug soo gaarsiiyay dowlada Puntland ayaa sheegay in la taagan yahay waqtigii xoolo loo aruurin lahaa dadka ku cayroobay duufaantii ku dhufutay degmooyin ka tirsan Puntland.
Axmed Cali Salaad waxa uu sheegay Gobalka Mudug inuu ka mid yahay Gobaladda ugu xoolaha badan wadankeena hooyo ee Somalia,sidaasi darteedna dadka ku nool gobalka laga doonayo inay ka qayb gallaan sidii dadka cayroobay xoolo loo gaarsiin lahaa.
Waxa uu yiri isagoo ka hadlaya deeqda ay guddiga gurmadka deg deg ah kusoo wareejiyeen maalinkii shalay ”waa in loo diyaar garoobaa sidii aan u xoolayn lahayn kunka qoys ee ku cayroobay duufaanta”.
Col.Salaad ayaa sidoo kale sheegay inay u diyaar san yihiin sidii dadka dhibaatadu saamaysan loola qaybsan lahaa muruga ay ku sugan yihiin,wuxuna ugu danbayntii tilmaamay inaysan intaasi oo kale ku ekayn doonan deeqda balse ay jiri doonan kuwo kale oo soo socda.
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo