Garowe(pp) War qoraal ah oo goor dhawayd kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay ciidanka ammaanka inay gacanta ku dhigeen labo nin oo lagu tuhun san yahay inay yihiin jaajuus,kuwaasoo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.
Sawiradda ay dowladdu nasoo gaarsiisay ayaa waxaa ka muuqday agabyo ciidan oo ay raggani wateen iyo dhagacyo ay ka gurteen Puntland,kuwaasoo ka mid ah khayraadka ku duugan dal udug.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay labadaani nin inay Puntland kusoo galleen qaab ah inay yihiin NGO,sidaasi darteedna la siiyo aqoonsiga shaqo,balse wasiirka amniga Dowladda Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan oo galabta saxaafadda kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay inay xiran yihiin ragg kale oo Soomaali ah lana shaqaynayay Ajaanibtaan lagu tuhmay inay yihiin Jaajuusiin.
Wasiirka Amniga ma sheegin xiliga maxkamadd lasoo taagayo ragg tuhunsanayaasha ah ee dowladdu eedaysay.
Ciidanka Sirdoonka Dowladda Puntland ayaa afar bari ka hor raggaan ka qabtay gudaha magalada Garowe.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe