Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dongorayo:WFP oo la-raali galiyay iyo Ururka KDO oo deeq gaarsiiyay qoysas cayroobay(Sawiro)

$
0
0

Dongorayo(pp) Ururka maxaliga ah ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan KDO ayaa gurmad raashin ah maanta gaarsiiyay qoysaskii ay saamaysay roobabkii duufaanta watey ee todobaadkii hore ka da’ay degmooyin ka tirsan Puntland.

7Deeqdan raashinka ah oo maanta laga qaybiyay tuulooyin ka tirsan Degmada Dongorayo ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Ururka KDO Nabadoon Siciid Xaaji Cabdulle,agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha gudaha mamulka Degmada iyo saraakiil kale oo ka socda Hay’adda WFP oo raashiinka ku wareejiyay ururka.

1Ugu horayntii deeqdan iyo meelaha loogu talo galay waxaa ka war bixiyay Nabadoon Siciid Xaaji oo ururka madax u ah,wuxuna sheegay deeqda maanta la qaybiyay in loogu talo galay qoysasy ka badan 3000.00 oo qoys,kuwaasoo degan tuulooyin hoos yimaada Dongorayo iyo Eyl.wuxuna tilmaamay maanta in lagu hormay Tuulooyinka Donogaro barina la aadi doono Tuulooyinka kale ee Degmada Eyl hoos yimaadda.

4Nabadoon Siciid Xaaji ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay deeqdan in si wanaagsan loo gaarsiiyo dadkii loogu talo galay oo ah qoysaska barakacay.

5Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Siciid oo kulankaasi ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu dhowaan jeediyay oo ahaa in Hay’adda WFP ay baal martay guddiga arrimaha gurmadka ee madaxwayne Farole magacaabay,wuxuna sheegay hadda inay dhamaatay arrintaasi oo ay raali galin ka bixiyeen hadal aan munaasib ahayn uu saxaafadda gaaray.

2Duqa Degmada Dongorayo ayaa soo dhaweeyay raashinka maanta loo qaybiyay dadkii kusoo barakacay degmada ee ku cayroobay roobabka barafka wata,wuxuna sheegay inay muhiim tahay umadda Soomaaliyeed inay gurmadka ka qayb gallaan.

8Wali waxaa socda gurmadka deg deg ah ee loo qaybinayo dadka tabaalaysan,sidoo kale dowladda Puntland ayaa ku mashquulsan sidii loo gumi lahaa xoolaha baqtiga ah ee daaadsan xerooyinka laga guuray,taasoo laga cabsi qabo inay ka dhashaan cuduro hor leh oo dadka iyo duunyadda kale saameeya.

3 6

Puntlandpost.com
Dongorayo/Nugaal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles