Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:”Dhagayso” Madaxwaynaha PL oo ka hadlay socdaalkii uu ku tagay goobaha ay duufaantu ka dhacday

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyadda ayaa ka war bixiyay socdaal uu ku tahay qaar ka mid ah dhulkii ay saamaysay roobabkii duufaanta watay ee todobaadkii hore da’ay.

FaroleMadaxwayne Farole ayaa sheegay inuu soo arkay meelaha ugu darran ee ay duufaantu samaysay,wuxuna sheegay xaaladu inay tahay mid adag balse u baahan in loo samro oo laga qayb galo sidii dadka cayroobay loo xoolayn lahaa.

Wafdi qiimayn rasmiya soo sameeya ayuu sheegay madaxwaynaha inuu dirayo,kuwaasoo cagta soo marin doona meelaha ay sida xun u saamaysay duufaantu.

Xoolo aad u faro badan ayaa ku baqtiyay roobabka da’ay,waxana inta la hubo ilaa iyo hadda ku dhintay dad kor u dhaafaya 140-qof.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>