Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 23245

Copenhagen: Jaaliyada Puntland ee Copenhagen, Masaajidka Soomaalida & Masjidka Waqafka ee Skandenrevia oo ($28.000) gaarsiiyey Culimada Puntland

$
0
0

Copenhagen: (pp)- Jaaliyada Puntland ee Copenhagen ,  Masaajidka Soomaalida ee Towxiid iyo Masjidka Waqafka ee Skandenevia ee Copenhagen oo iskaashanaya ayaa Deeq lacageed oo gaaraya ( 28 kun iyo  90 Doollar )  ugu deeqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ee ay dhibaatooyinka ay ka soo gaareen Dabaylihii & Roobabkii ka da´y Puntland.

SadaqoLagactaas deeqda ah ,  ayaa ahayd wejigii ugu horeeyey , iyadoo Wejiga labaad ee Sadaqada ah gadaal laga diri doono. haddii Illaahay uu raaliga ka dhigo.

Deeqdaas Lacageed ayaa lagu aadiyey Culimadii ay dowlada Puntland u wakiilatay gargaarka  musoobooyinkii ka dhacay Puntland.

Waxaa lacagtaas Culimada ku wareejiyey  Guddi Jaaliyada Puntland ay Wakiilatay oo Wakiil ka ah Masaajidada , kuwaas oo lacagta  guddoonsiiyey Culimada  oo uu Wakiil u ahaa Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga.

Waxaan halkaan Jaaliyadu uga mahadcelinayaan ,  Idaarada Masaajidka Soomaaliga & Idaarada Masjidka Waqaf Skandenevia iyo shacabka Soomaaliyeed sidda niyada wanaagsan  ee ay uga ka qayb qaateen  sadaqada lagu taageerayey shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaanteen Allaha naguuleeyo intii Wanaaga & Sadaqada ka qayb qaatay-na miisaanka Xasanaadka Allaha u saaro — Aamiin.

 

Puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 23245

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>